XOG: Shirka Madasha ee Muqdisho oo Berri Duhurkii soo xirmaya, maxaa lagu Heshiiyey?

8 Aug 2016 (Puntlandes) Shirkii Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka ee Arbacadii ay bishu ahayd 3 da ka furmay magaalada Muqdisho oo lagu go’aaminayey qodobo muhiim u ah inay doorasho ka qabsoonto Soomaaliya sanadkan, ayaa waxay Warbaahinta Puntlandes XOG ku heshay inuu soo Xirmayo Berri oo ay bishu tahay 9ka Agoosto 2016.

229-6a1

 

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay inuu soo xirmayo oo Warmurtiyeed laga soo saarayo shirka berri Duhurkii, isagoo kusoo gabgaboobay mudo lix Cisho ah.

Waxay kaloo Warbaahinta Puntlandes ogaatay in Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka ay Heshiis ka gaareen dhamaan qodobadii Muhiimka u ahaa inay Doorasho ka dhacdo Soomaaliya ere Miiska saarnaa.

Wararka la xiriira Shirka Madasha ee Muqdisho ka socda kala soco Warbaahinta Puntlandes.

Puntlandes.com

About The Author