Dhagayso: Ciidamada Danab ee Hawlgalka ka waday K. Galkacyo oo Qabtay 5 ka mida madaxda Ashabaab & C/kariim oo kasoo horjestay

10 Aug 2016 (Puntlandes) Ciidamada Kumandosta ayaa waxay ka soo qabteen shan ka tirsan madaxda ururka Al-Shabab oo uu ku jiro nin ajnabi ah.

Warkan ayaa wakaaladda wararka Somalia ee SONNA ay ka soo xigatay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Somalia, Cali Baashi Maxamed Cumar.

Ninka ajnabiga ah ee lagu soo qabtay howlgalkan ayaa lagu magacaabaa Sa’id Abdullahi Abubakar (Al-Sudani), oo u dhashay dalka Sudan, Al-Shababna u ahaa hogaamiyaha kooxda Qaraxyada.

227-8b2

Cutubyo ka tirsan ciidanka Danab ayaa maalmihii u dambeeyay howlgallo ka fulinayay magaalada Xaafada Baraxleey ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kale waxaa kasoo horjeestay hawlgaladaas lagu soo qabtay madaxda Alshabaab madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed isagoo ku sheegay in aan lagala tashay.

Waxaa maanta cadaatay in ay XaafadaBaraxleey ay hooy u tahay kooxda Alshabaab.

Dhagayso Cabdikariim


Puntlandes.com

About The Author