Dhagayso: C/kariim Xuseen Guleed oo kasoo horjeestay qaar kamida go’aankii MADASHA ee shalay

10 Aug 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo maanta dadwayne ugu khudbeeyey Xaafada Baraxleey ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo Qodob ka mid ah qodobadii shalay kasoo baxay shirka Madasha oo uu qaybta ka ahaa maamulkiusu.

196-13

C/kariim ayaa sheegay inay Cadaalad daro tahay in 2 xubnood oo Aqalka Sare ah loogu daro Puntland oo horay u haysatay 11 xubnood waa sida uu u dhigaye, wuxuuna sheegay inaysan marba aqbalayn arinkaas isagoo sii raacshay in aan lagala tashan maamulkiisa.

C/kariim ayaa sheegay in Puntland oo awalba wadatay 3 xubnood oo Sadbursi in loogu daro 2 xubnoon oo kale ay tahay Sadbursi kale

Dhagayso C/kariim

Puntlandes.com

About The Author