Sawirro: Ciidamada DANAB oo kaashanaya kuwa PIS ta Puntland oo howlgal kusoo qabtay 5 kamid ah Alshabaab oo ku sugnaa Xaafada Baraxley ee K. Gaalkacyo

10 Aug 2016 (Puntlandes) Ciidamada DANAB ee dhawaantan hawlgalka u yimid Koonfurta magaalada gaalkacyo ayaa iyagoo kaashanaya kuwa PIS ta Puntland howlgal kusoo qabtay 5 kamid ah Madaxda Alshabaab oo ku sugnaa Xaafada Baraxley ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo

Maxaabiista lasoo qabtay ayaa waxaaa ka mid ah Sargaalka ajnaniga ah oo lagu magacaabo Siciid Cabdullaahi Abuubakar “Al Suudan”, oo u dhashay Suudaan, kaaasoo Alshabaab u qaabilsaa sameynta iyo isku xirka qaraxada.

Ammaanduulaha Ciidanka DFS S/Guuto Cali Baashi Xaaji Maxamed ayaa sheegay in howlgalka ay si wadajir u fuliyeen Ciidamada Sida Gaarka u tababaran ee Danab iyo Ciidan gaar ah oo lay leedahay Dowlad Puntland.

Dawlada Puntland iyo Waxgaradka Gaalkayo ayaa horay u sheegay inay Xaafada Baraxley ee Konfurta Gaalkacyo ay gabaad u tahay Alshabaab iyagoo kasoo abaabula Falal Agagixisnimo ah oo ay la beegasanayaan Shacabka ku noll magaalada Gaalkacyo.

Daawo sawirrada
229-9d

229-9d1

229-9d2

229-9d3

229-9d4

229-9d5

229-9d6

229-9d7

229-9d8

229-9d9

229-9d10

229-9d11
Puntlandes.com

About The Author