Dowlada Soomaaliya oo ku howl inuu dib u dhac kale ku yimaado Jadwalka Doorashooyinka

14 Aug 2016 (Puntlandes) Dowlada Soomaaliya ayaa waxay iminka ku howlan  in dib u dhac kale uu ku yimaado Jadwalka Doorashooyinka ee ay Madashu go’aamisay inay Qabsoonto 30 Okt 2016ka.

230-1

Waxaa isa soo taraya dadaalada ay wadaan Xafiiska madaxweynaha DFS iyo Guddi Hirgelinta Doorashada Dadban ee Soomaaliya , taasoo lagu xagal daacinayo Doorashada la waqtoyeeyeyinay waqtigeeda qabsoonto.

Waxaa ilaa hada muuqata in shaqooyinkii la qaban lahaa bishaan horaanteeda inaan la dhaqaajin wali, halkaan ka akhri Jadwalka Doorashada, hawlaha Doorasha Soomaaliya waxay kusoo ururtay ”QAWDA MAQASHII WAXANA HA U QABAN” waxaana taasba kasii daran Xukuumada uu hogaamiyo Xasan Sheekh oo ay Madashu go’aamisay inay xukunka haynayso inta ay Doorasho dhacayso oo la helayo Labo Aqal oo Baarlamaanku ka kooban yahay iyo Madaxda Soomaaliya.

Raysal wasaare kuxigaanka ayaa safar ku tagay magaalada Baydhabo isagoo Xafiiska madaxweynaha ka heshay Qandaraas ah in Buuq iyo qalalaase laga dhex abuuro madaxda Madasha, si uu u noqdo mid Jawi cakiran ku Bilowda shirka la sugayo inuu furmo 7da Sept 2016.

Sida muuqata doorashada ayaa dib UGA dhacaysa waqtiga loo qabtay iyadoo gaaraysa horaanta sanadka soo socda, waxaana Warbaahinta Puntlandes ay saadaalinaysaa inay kaba sii dib dhici karto 6da bilood ee hore ee sanadka soo socda haddii aan laga shaqayn sidii ay Doorasho ku dhici lahayd taasoo aan hada muuqan cid ka shaqaynaysa arintaas.

Hoos ka arag Shaqooyinkii la qaba lahaa oo ilaa hada aan la qaban, kuwaasoo muhiim u ah inay Doorasho ka qabsoonto Soomaaliya

August 2016

4 Aug – 6 Aug

  • Ansaxinta waajibaadka shaqo (TOR) Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo Magacaabida xubnaha guddiga
  • Go’aan ka gaaridda hannaanka iyo goobta lagu soo dooranayo xubnaha labada aqal ee Somaliland; Shabellaha-dhexe & Hiiraan (hadii aysan dhisnayn ka hor xiliga doorashada);
  • Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga (Task Force-ka) ka shaqayn doono amniga dorashooyinka

7-13 August

  • Diyaarinta Xafiisyada GDGDD ee Xarumaha Doorashada

14 Aug -20 Aug

  • Tababarka Guddiyada doorashooyinka federal iyo heer maamul Goboleed (GDGDD) (Mudadan waxay isugu jirtaa Imaanshaha iyo Noqoshada)

GFHDD/UN

Puntlandes.com

 

About The Author