Tacsi: Kusimaha Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamanka iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta dawladda Puntland ayaa ka Tacsiyeeyey Geeridii ku timi Marxuum Maxamed Cali Samatar

Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland  Axmed Cali Xaashi iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Sarreeye Guud Siciid Maxamed Xirsi ayaa maanta si wada jir uga Tacsiyeeyey geeridii gaxdinta lahayd ee ku timi Marxuum Sarreeye Guud Maxamed Cali Samatar oo xilal sare oo  kala duwan kasoo qaybtay dawladdii dhexe ee Soomaaliyeed.

Kusimaha Madaxweynaha, guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Taliyaha ciidanka daraawiishta ayaa si isku mid ah uga hadlayey taariikhdii marxuumka waxaana ay tilmaameen in uu ahaa xubin muhiim ah oo ka baxday ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne ku-xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha ayaa ugu dambayn Tacsi Tiiraanyo leh u diray Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, ciidanka qalabka-sida ee Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Soomeeliyeed ee uu ka baxay marxuumku, isagoona Eebbe uga baryey in uu ka waraabiyo Naxariistii Janno.

“Innaa lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun, waxaan maanta halkaan Tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa Qoyskii, Eheladii, Asxaabtii, Saraakiisha ciidanka Qalabka-sida iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum Maxamed Cali Samatar oo xalay ku geeriyoodey dalka Maraykanka, waxaanan Eebbe uga rajeynayaa in uu Jannada Fardawsa ka waraabiyo” ayuu yiri ku-simaha Madaxweynaha dawladda PUntland Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey.

Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

230-2b5

230-2b6

230-2b7

Puntlandes.com

About The Author