Daawo Video: Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka oo Sharci Daro ku tilmaamay Kaarka Aqoonsiga

20 Aug 2016 (Puntlandes) Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale oo la hadlay Saxaafadda ayaa sharci darro ku tilmaamay kaararka aqoonsiga ee ay bilowday dowladda Hoose ee Muqdisho, oo taageero kaga heshay Taliska Nabadsugida Qaranka.

230-2c7

Dr. Nuur Faarax ayaa sheegay in aanay sax aheyn kaarkaas, isagoo xusay in horay Baarlamaanka uu diidmo ka soo saaray, isla markaana uu isagana mar hore ka hor-yimid, maadaama aanay sax aheyn qaabka loo bixinayo.

Hanti dhowrka Guud  ayaa yiri “In dadka lagu amro qaadasha kaararka aqoonsiga waa sharci darro, ka hanti dhowre ahaan arrintaas horay war baan uga soo saarnay, waa qalad, sax ma ahan, waa mid dadka lagu baabi’inayo oo hantina looga qaadayo, waxayna keeneysaa musuq maasuq”

Dr Nuur Faarax Hantidhowraha Guud ee Dalka ayaa Sheegay in u jeedada ay hadda Dib ugu Soo Ciliyeen Gudoomiyaha Gobolka iyo Taliyaha Nabadsugida ay tahay in ay lacago badan ku  helaan waxaana uu sheegay in ay tahay Sharci daro iyo Musuq Maasuq.

Dhinaca kale Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ayaa sheegay in Shirkadaha Turkiga laga leeyahay ee gacanta ku haya garoonka diyaaradaha iyo Dekeda Muqdisho ay diideen in lala xisaabtamo, isla markaana ay yihiin kuwo si Sharci daro u maamulaya labada il ee dhaqaalaha ka soo gala dalka, isagoo xusay in horay uu dacwad uga gudbiyay Madaxda sare ee dowladda.

Puntlandes.com

About The Author