Wareegto: Dowladda Puntland oo Mamnuucday Gadiidka Tiigaashaa.

IMG_3840
Afhayeenka Madaxtooyadda Puntland, C/llaahi Quraan-jecel.

Afhayeenka dowladda Puntland ayaa maanta saxaafadda u akhriyey, wareegto ka soo baxday madaxweyne ku xigeenka ahna kusimaha madaxweynaha , taasoo lagu mamnuucayo gadiidka.

wareegtadaan waxaa ay dowladdu ku sheegtay, in dhamaan gaddidka xamuulka ee soo galaya xuduudaha Puntland ay noqon doonaan kuwo ku kala wareega xaduuda, Mana jiri doono gaadiid xamuul wada oo Puntland kasoo gali doono xuduudaha.

Arintaan ayaa ma ka mid ah, arimaha lagu xakamaynayo amaanka dowladda Puntland.

Arintaan ayaa meesha kasaaraysa gadiidka sida Tooskaa looga soo raro Boosaaso, ee u gudba koonfurta Soomaaliya iyo kuwa Koonfurta ee tooska ugu gudba Boosaaso iyo Berbera ama Puntland inteeda kale.

Halkaa hoose ka dhageyso:-

 

SAWIRKA WARAAQDA.

waraaq

About The Author