SAWIRRO Gaalkacyo: Dowladda Puntland uu lacag uqaybisay dhaawacyadii qarax ka dhacay Gaalkacyo.

Gudoomiye ku xigeenadda Gobolka Mudug ayaa waxaa ay lacag gaarsiiyeen, dhaawacyadii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay magaaladda Gaalkacyo, kaas oo galaaftay nafta tiro badn oo shacab iyo askar isugu jira.

lacagta looqaybiyey dhaawacyadaan ayaa laga soosaaray Sanduuqa taakulada ciidamada qaranka Puntland, waxaana lagaarsiiyey Dhaawacyada, oo ay ku jiraan kuwii shacabka ahaa.

Dowladda Puntland ayaa horay u balan qaaday, in ay qaadi doonto dhaawacyada u baahan in dibadda looqaado, iyada oo ay saraakiisha caafimaadu Puntlandes, u xaqiijiyeen in ay aad u yar yihiin dhawacyada u baahan dalka dibaddiisa, kuwaas oo tiro ahaan ay ku sheegeen laba qof oo kaleya.

Saraakiisa caafimaad ayaa sidoo kale noo xaqiijiyey, in dhaawacyada haatan yaala isbitaalada, ay dhawaan ka bixi doonaan isbitaalada, maadama intooda badan ay dhaawacyo fudud yihiin.

Sargaal kamid ah saraakiisha caafimdka ayaa noo sheegay, in gargaarka ugu badan ay fidinayeen haweenka Gobolka Mudug, kuwaas oo markasta la garabtaanaa dhaawacyada, waxyaabo badan oo muhiin u ah, nolosha dhaawacyada, sida cuntada, Dharka jiirfa, sharaab iyo taakulo kale oo ay ku diirsadeen Dhaawacyadu.

 

SAWIRRO.

IMG_3992 IMG_4000 IMG_4014 IMG_4022 IMG_4047

 

About The Author