Gaalkacyo: Baaritaan xoogan oo lagu samaynayo Gaadiidka yar yar ee Bajaajta.

25 Aug 2106 (Puntlandes) Howlgal ay sameeyeen ciidank wadooyinka Dowladda Puntland oo kaashanaya ciidanka Booliska, ayaa maanta waxaa ay soo xareeyeen dhamaan gaadiidkii yar yaraa ee loo yaqaanay Bajaajta.

Bajaajta

Gaadiidka Bajaajta oo muddooyinkaan aad ugu soobadanayey magaalooyinka Puntland, ayaa labaarayaa, waxaana la ogaanayaa mid kasta ciddaleh, siloo xaqiijiyo amaanka waddooyinka, masuuliyadda iyo hanaanka socodka ee gaadiidkaas iyo meelaha ay ka shaqayn karaan.

Taliyaha qaybta ayaa Puntlandes u xaqiijiyey in ay baarayeen gaadiidkaan, kadibna ay siidaynayeen midkasta oo la xaqiijiyo lahaan sheheeda.

Arintaan waxaa ay imaanaysaa xili ay dowladda Puntland howl gallo xoogleh ka waddo Gaalkacyo, kadib Qaraxyadii ka dhacay magaaladda Gaalkacyo.

Dhawaan aya awaxaa la filayaa, in madax amaanka iyo gobolku ay qabtaan, kulan saxaafdeed ay uga hadlayaan xaaladda amaanka magaaladda, kadib joojinta qaadkii dhulka kasoo galayey, gadiidaka Tiigaashaa iyo dhaq dhaqaaqyo kala gadisan oo ay dowladdu soosaartay.

 

Puntlands.com
Xafiiska warqabadka Gaalkacyo.

About The Author