Sawirro+Cod: Duqa dagmada Gaalkacyo oo kormeeray xaaladda Dhaawacyada, kana hadlay burburkii hantiyeed

Magaaladda Gaalkacyo oo kasoo kabanaaysa, Burkii kasoo gaaray qarax ka dhacay Suuqa weyn ee Xerada Dayax, lalana beegsaday xarunta D/hoose ee dagmada Gaalkacyo, ayaa waxaa maanta kor meeray Gudoomiyaha dagmada.

Duqa dagmada oo ka hadlay goobtii uu bur burku ka dhacay, ayaa sheegay in ay dhismayaashaan ay markii horaba dhisteen shacabka iyo dowladda Puntland oo wada jira, hadana ay iyagii dhisan doonaa.

Isaga oo arintaas ka hadlaya waxaa hadaladiisii ka mid ahaa (Dhagayso).

duqa dagmada ayaa isla maanta oo jimce ah booqday, Isbitaalka weyn oo uu soogaaray bur bur xoogan, halka uu sidoo kalana u kuur galayey xaaladda dhaawacyo halkaas ku sugnaa, oo ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay magaaladda Gaalkacyo.

Intii uu halkaas ku sugnaa ayuu saxaafadda la hadlay, waxaana uu shacabka ugu baaqay in ay ka qayb qaataan, dib udhiska isbitaalka oo ah meel aan marna baahideeda laga maarmi karin maalin qura.

Dhagayso codkiisii

 

Daawo Sawirro. 

IMG_4146 IMG_4150 IMG_4151 IMG_4156 IMG_4163 IMG_4167 IMG_4172 IMG_4173 IMG_4175 IMG_4176 IMG_4177 IMG_4184 IMG_4187 IMG_4192 IMG_4194 IMG_4197

About The Author