XOG RASMI AH: Wax Muran ah kama taagna Dhaqaalaha ku baxaya Doorashada Somalia waxna ka ogow sida loo kala bixinayo

27 Aug 2016 (Puntlandes) Saxaafadda Soomaalida ayaa maanta waxay si wayn uga hadashay in Muran ka taagan yahay ama la isku afgaran waayey Dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka Soomaaliya, hadaba Warbaahinta Puntlandes oo isku hawshay inay Ummadda Soomaaliyeed usoo gudbiso Xaqiiqda jirta ayaa waxay ogaatay inaysan jirin Wax Muran ah oo ka taagna Dhaqaalaha ku baxaya Doorashada Soomaaliya kaasoo u dhexeeya Beesha Caalamka iyo Madaxda Soomaaliya.

230-5a2

Waa intee dhaqaalaha la isku afgartay oo ku baxaya Doorasha?

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Madaxda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ay isku afgarteen dhaqaalaha ku baxaya Doorasha Soomaaliya oo noqonayaah Lacag ah 12.5$ miljan oo doolar. Waxaa kaloo la isku raacay in loo kala bixiyo ama loo qaybsado sadex qaybood oo kala ah:

  1. Qayb ay bixinayaan Beesha Caalamka: waa qaybta koowaad
  2. Qayb ay bixinayaan Dawalad Goboleedyadu: waa qaybta labaad
  3. Qayb ay bixinayso DFS: waa qaybta ugu yar

Xaggee ka imaanaysaa Qayb ay bixinayaan Dawalad Goboleedyadu?

Qayb ay bixinayaan Dawalad Goboleedyadu ayaa waxay ka imaanaysaa lacagta Khidmada ah ee laga qaadayo Musharixiinta labada Aqal. Musharixiinta Aqalka Hoose ayaa kiiba laga doonayaa 5000$ doolar, haddii aynu kasoo qaadno in Kursigiiba ay u tartamaan ugu yaraan 2 Musharax waxay noqonaysaa lagacta ay Dawalad Goboleedyadu kasoo xaraynayaan aduun gaaraya 2 750 000$ doolar (laba miljan iyo tadoboboqol iyo konton kun). Lagactan laga qaadayo Musharixiinta ayaa ah mid aad u badan meeshana ka saaraysa inay isa soo sharaxaan dad badan oo aan awoodin soomaaliyana wax wayn kusoo kordhin lahaa!!

Aqalka Sare na waxaa Musharixiiba laga qaadayaa 10000$ doolar, Kursigiiba waxaa u tartamaya 2 Musharax waxayna noqonaysaa lagacta ay Dawalad Goboleedyadu kasoo xaraynayaan aduun gaaraya 580 000$ doolar (shan boqol iyo sideetan kun).

DFS iyadu wax ma ka qaadaysaa Musharixiinta?

DFS waxay Khidmado badan ka qaadi doontaa Musharixiinta u tartamaya Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Gabo gabo

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay inaysan jirin haba yaraatee wax Muran ah ama is afgaran waa ah oo u dhaxeeya Madaxda Soomaalida dhexdeeda ama Madaxda Soomaalida iyo Beesha caalamka kaaasoo la xiriira Dhaqaalaha ku baxaya Doorashada la filayo inay dhawaan lka dhacdo Soomaaliya.

Wararka la xiriira Doorashada Soomaaliya kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author