Sawirro: Dowladda Talyaaniga oo Qalab Ciidan ku Wareejisay Taliska Ciidanka Asluubta

Exif_JPEG_420

27 Aug 2016 (Puntlandes) Dowladda Talyaaniga ayaa Qalab Ciidan oo isugu jiray kabo,katiinada Maxaabiista lagu xiro ,Dhar ,koofiyado iyo Gaashaanka looga hortago Dibadbaxyada rabshadaha wato waxa ay ku wareejisay  Taliska ciidanka Asluubta  waxaana ka Gudoomay Deeqdan Taliye ku xiggeenka Koowaad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guuto Cabdi Kaiim Cali Afrax oo ay wehliyeen Saraakiil ciidanka Asluubta ka tirsan.

Gen Cabdi Kariim Cali Afrax Taliye ku xiggeenka Koowaad ee ciidanka Asluubta  oo Warbaahinta la hadlay ayaa Dowladda Talyaaniga uga mahadceliyey Taageerada ay siinayaan ciidanka Asluubta isagoo tilmaamay in Qalabkan Maanta lagu Wareejiyey ciidanka ay u Baahnaayeen islamarkaana uu ka haqabtiri doono dhinacyo badan.

Korneel Bernardo Mencraglia  oo ah Madaxa hay’adda Gargaarka Talyaaniga ee Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya  ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan Taageerada ay siinayaan ciidanka Asluubta Somaaliyeed  waxaana uu xusay in ay ka go’an tahay ka qeyb qaadashada Dhismaha Ciidamada dalka Soomaaliya.

Dowladda Talyaaniga ayaa waxa ay ka mid tahay Wadamada sida gaarka ah u caawiyo Soomaaliya waxaana ay inta badan ka qeyb qaadataa Taakuleynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo dhismahooda.

Exif_JPEG_420

Exif_JPEG_420

Exif_JPEG_420

Exif_JPEG_420

Exif_JPEG_420

Exif_JPEG_420

Exif_JPEG_420

Exif_JPEG_420

Puntlandes.com

About The Author