Dhagayso: Amiir Maxamuud oo Golaha 1960 uga warbixiyey Gurmadka Gaalkacyo llooga baahan yahay & dhibaatooyinkii ay Qaraxyadu sababeen

27 Aug 2016 (Puntlandes) Amiir Maxamud Yusuf oo ka mida Isimada Puntland ahna Gudoomiyaha Sanduuqa Horumarinta Gobolka Mudug ayaa uga waramay golaha1960  iyo ummadda somaliyeed xaaladda ka jirta magaaladda Gaalkacayo ee ay sababeen weerarkii Qaraxyada ahaa ee ay Alshabaab Axadii 21ka Agoosto ku soo qaaday magaalada Gaalkacyo.
74e
Amiirka ayaa warbixiyey Dhaawacyada ,burburka hantiyeed,nabadgelyo iyo sida loogu baahan yahay in loogu gurmado dadka dhibaatadu ka soo gaartey qaraxyadii ka dhacay magaaladaasi Gaalkacayo.

Dhanka kale waxaa ka hadlay Sheekh C/risaaq Sancaani ,C/raxman Dalmar iyo  Sugule oo dhamaantood sheegay in ummadda somaliyeed uu khayr iyo wanaag ugu jiro hadey isu gurmadaan , dadka Somaliyeedna ay ka qaybqaataan Gurmadka loo samaynaayo Dadka ay dhibaatadu ka soo gaartey Qaraxii Gaalkacayo.

Dhagayso Amiir Maxamuud


Puntlandes.com

About The Author