Dhagayso-FAALLO: Duqa Degmada Gaalkacyo oo loo Hamwaynaa oo Qalad Sharci kii ugu waynaa galay!!!

28 Aug 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ay aa shaacisay in  Dawlada Puntland ay si rasmi ah ugu dhawaaqday Gudiga Gurmadka dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii ay Kooxda Alshabaab ku weerartay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Axadii ay bishani ahayd 21ka, kaasoo ay ka dhasheen Khaaro wayn oo Naf iyo maalba ah, halkan ka akhriso.

IMG_4146

Waxaa hal mar Shacabka Gobolka Mudug iyo guud ahaan kan Puntland Yaab iyo Amakaak iypo FIJICISO ku noqday kadib markuu Duqa Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumey kasoo muuqday Shaashada TV ga dawlada Puntland PLTV isagoo sheeganaya wax Sharci daro ah oo aan dawladnimo ku abtirsaan taasoo ah inuu magacaabay Guddiga Gurmadka dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii Gaalkacyo oo uu ku sheegay 6 Xubnood halka ay ka ahaayeen 9 Xubnood, taasoo Qalad wayn iyo Jahwareerin ah.

Dhagayso Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumey oo sheegaya inuu Magacaabay Guddiga!!


Tumey ayaa si aan gabasho lahayn oo ay ka muuqato Aqoon la’aan dawladeed iyo mid maadi ahba ayaa waxa uu sheeganayaa inuu Xubin Guddiga ka tirsan u magacaabay Gudoomiyaha GOBOLKA MUDUG Xasan Maxamed Khaliif (Xasan Abgaaloow) CAJIIB Xaggee buu ka keenay Awooda uu ugu magacaabi karo Gudoomiye Gobol Guddi Gudoomiye DEGMO magacaabay, YAASE LEH MAGACAABITAANKA ma Gudoomiyaha Gobolka mise kan Degmada.

Warbaahinta Puntlandes oo baaritaan ku samaysay si ay Shacabka ugu soo bandhigto ayaa ogaatay in Guddigu uu sax yahay uuna ka kooban yahay 9 Xubnood oo 3 ka mid ah aan wali la shaacin magacyadooda oo midi Gabar Aqoonyanad ah ay tahay, laakiin uu Gudoomiyaha Degmada oo I ARKAAY sheekadiisu aysan dhaafsiisnayn uu u yeertay dhalinyaro aan Saxaafadda waxba ka aqoon oo wixii loo dhiibta uun faafiya, kadibna uu ku dhawaaqay inuu Guddi u magacaabay 6 Xubnood oo uu Gudooiyuha Gobolka Mudug Xubin uga magacaabay  FADEEXAD AAD WAYN!!!

Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumey waxa uu ahaa nin dhamaan shacabka Gaalkacyo ay ku hanwaynaayeen filayeena inuu wax badan ka bedeli doono Hab dhaqankii Aan dawladnima ku Abtirsan ee ay Caanka ku ahaayeen maamuladii soo maray Degmada Gaalkacyo tan iyo intii Puntland la dhisay laaakiin waxaa maanta rumoobay oo si cad banaanka u yaala Gabaygii AUN Cismaan Keenadiid ee ahaa  “Reer Gaalkacyo iyo Sharcigga Yaa U garniqi doona”

Dhagayso Gabaygii AUN Cismaan Keenadiid ee ahaa  “Reer Gaalkacyo iyo Sharcigga Yaa U garniqi doona”

Bal Xaggee buu u Cuskaday Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumey inuu Guudi u magacaabi karo Gudoomiyaha Gobolka? Soow maaha in Tumey uu u Cuskaday Sharciga Mudug oo aan dawladnimo dhanna kasoo gelin.

Qaladaadka Sharci iyo Jaahwareerinta Shacabka

Qaladaadka Sharci iyo Jaahwareerinta Shacabka  Gurmadka diyaarka ula ahaa ee uu ku kacay si BAREER AH Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumey ayaa ah:

  1. Markuu ku sheegay 6 Xubnood Guddiga halkii ay ka ahaayeen 9 Xubnood
  2. Markuu ku dhawaaqay inuu Xubin Guddiga ka mid ah u magacaabay Godoomiyaha Gobolka Mudug.
  3. Tumey wuxuu si cad u muujiyey kala sarayn la’aantii, Is feer yaacii iyo wadashaqayn laä’aantii ay ku caab baxeen maamuladii hore ee la bedelay inay wali taagan tahay.

Shacabka reer Gaalkacyo ha OGAADAAN falka uu ku kacay Gudoomiyaha Degmadu waxay la mid tahay Wasiir Xubin Guddi u magacaabay Madaxweynaha Puntland.

Qaladka Puntland TV

Dhanka kale waxaa Xusid Qaladka uu galay TVga dawlada Puntland PLTV isagoo baahiyey Qalad Sharci daro iyo mid maamilba, oo ka shaqaynaya Kala dambayn la’aan, Isfeer yaac, kala amar qaadasho la’aan iyo FAWDO.

Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay kusoo koobaysaa qormadan “DUQA DEGMADA GAALKACYO & SHARCIGA YAA U QARNAQI DOONA”

Puntlandes.com

About The Author