Breaking News: Beesha Caalamka oo Shir Deg deg ah Muqdisho kula yeelaysa Madaxda DFS si ay ugu sheegaan inaan la taaban karin 135 Saxiixe

29 Aug 2016 (Puntlandes) Sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes Beesha Caalamka ayaa Shir Deg deg ah Muqdisho kula yeelaysa Madaxda DFS si ay ugu sheegaan inaan la taaban karin 135 Saxiixe.

226-3

Shirka ayaa Muqdisho ka dhici doona maanta ama berri gelinka hore iyadoo ay Beesha Caalamku ku adkeyn doonto DFS in ay ka noqdaan Odoygii ay ku soo dareen saxiixayaashii oo horay u ahaa 135 Oday.

Shir Qarsoodi oo ay qaar ka mid ah madaxda Madasha ku yeesheen Muqdisho ayey ku sameeyeen Oday saxiixe ah kaasoo loo sameeyey si uu usoo saaro Xildhibaan Farax cabdiqadir oo kusigiisii qiil qiil galay, halkan ka akhriso Waraaq uu ku saxiixan yahay Gudoomiyihii Baarlaamnka DFS ee Xilkiisu dhaamaday iyo Qalaal ay Warbaahinta Puntlandes ka qortay saaka.

Beesha Caalamka ayaa si wayn uga biyodiidsan arintan ay ku kaceen Madaxda Madasha Hogaamiyayaasha dalka, iyagoo ay ka muuqato danta madaxweynaha DFS iyo Saaxiibkiis Farax Cabdiqadir.

Wixii kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author