BREAKING NEWS: Puntlandes.com oo heshay Shirkii Madasha oo laga soo hormarinayo 7da Sept & goorta uu dhacayo Shirka IGAD

30 Aug 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa heshay Shirkii Madasha Hogaamiyaasha Soomaalida oo loo balansanaa 7da Sept in laga soo hormarinayo waqtigaas.

226-3

Shirka Madasha ayaa sida ay XOGTA ku heshay Warbaahinta Puntlandes waxaa la uu Muqdisho ka qabsoomayaa 3-6 sept 2016 halkii uu markii hore ay Qorshaysnayd inuu qabsoomo 7-10 sept 2016.

Shirka IDAG ee Muqdisho

Sababta loo soo hormariyey Shirka ayaa ah iyadoo uu Muqdisho ka qabsoomayo Shirka wadamada IGAD 10ka sept 2016 ayna Beesha Caalamku doonayso in Shirka ugu dambeeya ee Madasha Hogaamiyaasha Soomaalida uu qabsoomo shirka IGAD ka hor.

Wararka la xiriira Doorashada Soomaaliya iyo Shirka socda kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author