BREAKING NEWS: Qarax weyn oo ka dhacay irida Madaxtooyada dhanka SYL xigta

30 Aug 2016 (Puntlanses) Qarax aad u weyn ayaa ka dhacay goor dhow irida Madaxtooyada dhanka SYL xigta.

226-3

Wararka ka imaanaya agagaarka meesha Qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya in qarax lagu weeraray Hotelka SYL oo aad ugu dhow Vilka Somalia, qaraxa kadib ayaa la maqlay rasaas dhaceysa, lama hubo in dabley hubeesan ay gudah ugashay hotelka balsa wali waxaa socda rasaas aad u xoogan.

Qaraxa dhacay ayaa ahaa mid aad wayn waxa uuna sasababay in qadka Internetka uu hawada kabaxo, waxaana ka jira internet la,aan qeybo kamid ah magaalada. Sidoo kale waxaa goan jidadka soo gala Hotelka SYL.

Hotelka SYL ayaa ah deegaan ay dagan yihiin madax sare iyo siyaasiin, kala soco wixii warar ku soo kordha shabakada allbanaadir

Wixii kusoo kordha kaka soco Warbaahinta Puntlandes

About The Author