Sawirro: In ka badan 6 kun oo laga badbaadiyay xeebaha Libya

30 Aug 2016 (Puntlandes) Ku dhowaad 6,500 oo muhaajiriin ah ayaa maraakiibta ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga waxaa ay ka badbaadiyeen xeebaha dalka Libya gaar ahaan meel 20 km u jirta magaalada Sabratha ee dalkaas.

Ilaa 40 howlo gurmad ah oo isku dubad ridan ayaa la sameeyay, iyadoo saraakiisha ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga  ay sheegeen in howlgalkan uu ahaa kii ugu weynaa mudooyinkan ay qabtaan.

Tahriibiyaashan ayaa sida la sheegay waxaa ay u badnaayeen dalalka Soomaaliya iyo Eritrea, ayagoo markii ay arkeen maraakiibta u soo gurmatay ay si weyn ugu farxeen isla markaana ay u soo dabaasheen dhanka maraakiibta, halka kuwo kale oo carruurtooda sitayna ay saarnaayeen doonyihii ay ku safrayeen.

Maalintii Axadda in ka badan 1,100 oo tahriibiyaal ah ayaa laga badbaadiyay isla goobtaan, iyadoo gurmadka dadkan loo fidiyay sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen hey’adda xuduudaha ee midowga Yurub ee loo yaqaano Frontex, ururka Proactive Open Arms iyo hey’adda MSF kuwaas oo caawinaya dadka muhaajiriinta ah.

Xasilooni la’aanta ka jirta dalka Libya ayaa waxaa ay ka dhigtay in ay marin uu u noqdo tahriibiyaasha ka imaanaya woqooyiga Afrika isla markaana ku taamaya in ay u gudbaan qaaradda Yurub.

Tahriibiyaasha ayaa waxa ay soo raacaan doonyo aad u buux dhafay oo aan u qalmin safar badda ah lagu galo, hase yeeshee waxaa inta badan gurmad u fidiya maraakiibta ilaalada dalka Talyaaniga, sida ay soo warisay wakaaladda AP.

Boqolaal kamid ah tahriibiyaasha ku biimaynaya naftooda safarada khatarta badan ee badda Mediterranean ee u dhexeysa qaaradda Afrika iyo Yurub ayaa u jeedkoodu yahay in ay helaan nolal ka wanaagsan tii ay wadankooda ku heysteen.

_90963920_mediaitem90963919_90963928_mediaitem90963927_90963932_mediaitem90963931

Puntlandes.com

About The Author