Gaalkacyo: Natiijadii kulankii ugu horeeyey ee Odayaasha Labada dhinac.

31 Aug 2016 (Puntlandes) Magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa dhawaan ka dhacday shaqaaqo salka ku haysa dhul ay maamulka Galmudug danceen in ay ka dhistaan Saldhig ciidan.

IMG_4431

Dhismaha saldhigaas ayaa waxaa ka hor yimid, ciidan beeleed kasoo jeeda dhinaca Puntland, kuwaas oo sheeganay mulkiyadda dhulka ay rabaan in ay dhistaan maamulka Galmudug, waxaana halkaas ka dhashay xiisad ay ka hortageen odayaasha labada dhinac inay abuurto Dagaal, iyagoo dhismihii joojiyey, una balamay in ay wada hadalaan.

Ugu danbayntii maanta ayaa waxaa furmay kulankii loo balansanaa in uu qabsoomo, kaasoo dhowr mar oo hore dib dhacay, Kulankaan ayaa waxaa hareeyey hadal haynta weerar ay xalay soo qaadeen koox kasoo jeeda Galmudug kuwaas oo rasaas huwiyey, ciidan beeleedkii halkaas joogay, kadib israsaasayn yar kadib dib ayey ulaabteen, wax khasaare nafeed ahna lama soo dheegin.

Kulankii Odayaasha ayaa ku dhamaaday qabyo, iyada oo qaar ka mid ah ka qayb galayaashii ay ka dayrinayaan natiijada Kulankaan, oo ay cabsi ka qabaan in uu bur buro.

 

Xafiiska Wararka

Puntlandes.com, Gaalkacyo.

About The Author