Dhagayso: Wax ka ogow Deeqihii Waxbarasho ee Puntland heshay tan & 2010kii

31 Aug 2016 (Puntlandes) Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland ayaa maantay si rasmi ah usoo bandhigtay deeqihii waxbarasho ee ay heshay Wasaaraddu laga soo bilaabo sanadkii 2010-kii.

158ab

Shir jaraa’id oo mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadu ku qabteen xarunta wasaaradda ee Garowe waxaa si faahfaahsan uga hadlay Agaasimaha Imtixaannada Wasaaradda u qaabilsan Axmed Saahid.

Deeqaha ay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxay kala yihiin:

  • Sanadkii 2010: 192 oo Deeq Waxbarasho ah
  • Sanadkii 2011: 98 oo Deeq Waxbarasho ah
  • Sanadkii 2012: 110 oo Deeq Waxbarasho ah
  • Sanadkii 2013: 211 oo Deeq Waxbarasho ah
  • Sanadkii 2014: 175 oo Deeq Waxbarasho ah
  • Sanadkii 2015: 308 oo Deeq Waxbarasho ah
  • Sanadkii 2016: 270 oo Deeq Waxbarasho ah ayey Wasaaradu filaysaa

Dhagayso Shirkii jaraa’id oo mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashad


Puntlandes.com

About The Author