BREAKING NEWS-XOG: Akhriso Canaantii uu Shirka Madasha Amb Keating uga jeediyey Madaxda Soomaalida

6 sept 2016 (Puntlandes) Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo saaka Furitaankii Shirka Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka uga Furmay Villa Somalia ka hadlay ayaa Canaan Xoogan u jeediyey Madaxda Soomaaliya gaar ahaan kuwa DFS.

226-3

Warbaahinta Puntlandes oo ummadda Soomaaliyeed uga baratay inay usoo gudbiso XOGGAHA Quseeya dalkooda Soomaliaya ayaa heshay Canaantii uu Madaxda Soomaaliyeed u jeedyey Mr Keating.

Keating ayaa ugu horay ka hadlay inay Soomaalidu yihiin wada siyaasi , waxa uuna isagoo Soomaalida ka hadlaya yiri ”dhowaan waxaan kulamo kula soo qaatay Wadamada Canadaiyo  Uk Somalida aan melahaas ku soo arkay markii ay Soomaaliya yimadaan waxay arkayaa siyaadad Qabyaaladaysan oo 4.5 ah, waxaan u sheegay inaysan gayn Qurbaha 4.5”

Madaxda Musharixiinta ah & Guddiga Doorashada Dadban!!

Keating ayaa waxa uu u sheegay Madaxda Madasha inay Madaxda halkan fadhidaa qaarkood ay yihiin Musharixiin, wuxuu isa su’aalay iyagana waydiiyey  sida loogu aamini karo dhamaystirka Hawsha oo ah mid u baahan deg deg siinyo iyo inaan dan gaar ah laga lahayn?

Keating  ayaa sheegay in ay Beesha Caalamka wel wel Xoogan ay ku hayso Gudiga Doorashada Dadban,Wuxuun sheegay inaysan doonayn inay noqoto Doorashadu mid god modaw ku socota.

Keating & Doorashada 2020ka

Keating ayaa ka hadlay wixii lagu Heshiiyey 2012kii, Doorashada 2016ka iyo tan 2020ka, wuxuuna si cad u sheegay in la doonayo in damaadan qaad loo helo one vote one vote 2020ka isagoo sii raacshay inaysan wax su’aal ah ka taagnayn wixii hore loogu heshiiyaya wuxuuna si CAD u sheegay inaan waxba laga bedli karin wixii lagu Heshiiyey.

Keating ayaa ka digay in la Fara-fareeyo wixii ay Soomaalidu ku Heshiisay isagoo ku tilmaamay haddii dib loogu noqdo masuuliyad daro.

Keating oo toos ula hadlay Xasan Sheekh ayaa yiri ”Mudane madaxweyne intaa waxaan ku soo afjarayaa khadbadayda, waxaana idin leeyahay inaad guul ka gaartaan hirka, waxa ka soo baxana uu noqodo mid mira dhala oo aan lagana dhigin mid habacsan yoolkiina halkiisii uu ahaado oo aan waxba laga badelin”

Amniga Dalka & Wadamada Deriska oo qaar bilaabeen inay Ciidankooda kala baxaan dalka!!

Keating oo hadlkiisa sii wata yaa yiri ”Amniga waa qayb u baahan in aad looga hadlo, Wadamada Deriska ah qaar baa bilaabay inay Ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya, waayo intaa in ka badan ma sii joogi karaan, mana jirto waxay intaa ka badan ugu sii dhintaan Soomaaliya, marka waa inaad dhistaan Ciidamada dalka hawl wayna iska saartaan”

Keating ayaa si cad ugu sheegay madaxda Soomaalida inaysan Mas’uuliyad Amni ka muuqan Madaxda Soomaalida waxa uuna yiri isagoo ka hadlaya arintaas ”Mas’uuliyad Amni noogama kiin muuqato iyo Qorshe amni oo lagu kalsoon yahay idiinkama muuqato marka AMISOM baxdo qaarkiin ayaa aaminsan in Qaramada Midoobay lagu wareejinayo Amniga, Taasi waa arin aan sahlahayn aniga Wakiil ahaan ma waafaqsani in badan ayaan ii sheegaty inaysan Beesha Caalamku qaadan karin Mas’uuliyad daradaas”

Waxaa muuqata inay in Beesha Caalamku ay daashay madaxda Soomaalida oo aan aqoon inay ka shaqeeyaan wax aan dantooda ahayn, dan na aan ka lahayn dadka iyo dalka ay mas’uuliyiinta u yihiin.

Dhanka kale tani waxay daliil u tahay in Beesha Caalamka dulqaadkii ka idlaaday ayna kula hadlayaan madaxda Soomaalida Luqada ay yaqaaniin.

Puntlandes.com

About The Author