Warbixin: Gaalkacyo iyo xaaladda dag dagaa ee ay ku jirto.

Magaaladda Gaalkacyo inta badan waa magaalo xasaasiyad badan laga qabo, waa magaalo ay wada dagan yihiin qabaa illo, aan deegaanka iyo wada noolaanshaha ku hishiin, balse wada nool, waa magaaladda kaliya ee Soomaaliya ay kataliyaan laba maamul, laga qaado labo canshuurood, laba taarikana leh.

Waxaa ku xeeran ree guuraa colaad soo jireen ahi ka dhaxayso, inta badan xiliyada bar waaqadaa waxaa dhaca dagaalo ku salaysan daaqsin iyo aanaysi, Xiliyada Jiilaalkaa waxaa ka dhaca dagaalo salka ku haya Siyaasad oo reer guuraaga loo min guuriyo.

Mar xaladadda maanta ay ku jirto waxaa ay salka ku haysaa siyaasad, waxaana hurinaya qaybo kala gadisan oo dano gaar ah ka leh.

Midda ugu xooga badan waxaa loo aanaynayaa Dowladda Federaalkaa, taas oo ay dad badani shaki ka qabaan in ay hurinayso colaada, iyada oo loo aanaynayo, damaaci ay ka qabto, in wadanka xaaladda dad dag ah la galiyo, si ay meesha usii joogto xukuumada hadda jirta iyo golayaasheeda.

Dagaalkii shalay dhacay waxaa uu ahaa mid saamayn aan horay loo arag ku yeeshay Gaalkacyo, waxaa la arkayey Gurmadyo aan horay loo arki jirin oo baxaya, waxaa la arkayey gaadiidkii Dowladda federaalka Soomaaliya oo dagaalka ku jira, waxaa la arkayey ciidamo magaalada Gaalkacyo kusoo qul qulaya.

Calaamadaha Cusub.

1. In kasta oo dooxaddo (dilal gaadmo ah) dhici jirtay misna lama aqoon xoolo dhaqata, ay soo weeraraan gaadiid Dagaal iyo ciidan darayskii Dowladda Qaba.

2. Hadalka wasiirka Gaashaan dhigga Galmudug uu ku sheegay in ay Gaalkacyo xaaladda Dag dag ah ku jirto, Xabadduna ay qarxi karto saacad kasta.

3. In magaaladda Gudaheeda lagu dilo qof, kaas oo loodilayo aano qabiil waa arin laga soo gudbay 9sano kahor, Gaalkacyana aan ka dhici jirin muddooyinkii danbe.

4. Lama aqoon dagaal subax inta biloowda gaara habaynkii Saq dhexe sida dhacday Isniintii shalay ahayd (6, Sep,16).

5. Lama aqoon dagaalka baadiyaha oo magaaladda Saameeya, halka dagaalkaani uu sababay isku dhac dhex mara Galmudug, iyada oo ciidamo kasoo ruqaan saday Dagaari ay damceen in ay magaaladda gusaheeda dagaal kabilaabaan, hase yeeshe ay ka hortageen Sama jeclayaal, magaaladda deegaan u ah, kuwaas oo u eg kuwa la muquunin doono.

6. Kulan lagu dhex dhexaadinayo ciidanka Galmudug iyo Al-shabaab ee ka socda Bud bud, oo noqday tilaabadii ugu horaysay ee Soomaaliya Ka dhacda.

7. Gaalkacyo oo laba asbuuc ay rasaas soo dirayaan, ciidanka Gamudug oo doonaya, in ay dagaal ka bilaabaan, dhul la isku qabsaday oo ku yaal Garsoon, inkasta oo dhinaca kale uu san u jawaabain.

intaan iyo in kale oo badan ayaa muujinaya in ay arintaani tahay mid ka badal tii hore oo sy siyaasadaysan tahay.

Amusnaanta Puntland.

Dowladda Puntland ayaan ka hadlin wax yaabah ka dhacaya baadiyaha iyo Magaaladda Gaalkacyo, markii laga reebo shirar gaar gaar ah oo ay layelanayso qabaa illadda magaaladda Daga, kuwaas oo laga codsanayo, in aysan ka ficil qaadan waxa la samaynayo, si loo bad baadiyo doorasha wadanku uu galayo ee ladoonayo in la hakiyo.

Inkasta oo ay madaxda dowladda Puntland doonayaan in aan dagaala dhicin, misana waxaa ay shacabku dareemayaa culays ka badan kii hore, waliba waxaa madaxda la waydiinayaa in ay macquul tahay in ay daawadto, dadkeedii oo lagu layanyo hub iyo gaadiid ay dowladda kale leedahay.

Guuxa Magaaladda.

Magaaladda Gaalkacyo waxaa laga dareemayaa guux aan horay loo arag, waxaa iska soo daba dhacaya digniino, kuwaas oo shacabka war war galinaya, xaaladda Gaalkacyo oo awal ku jirtay marxalad kala Xirnaan ah, maalmihii danbe ayaa hadda sii adkaanaysa.

Sida ay xaaladdu Usocoto waxaa dhici karta in uu qarxo Dagaal Qabiili ah, Sababaha loo aanaynayo ayaa ah Puntland oo ka gaabinaysa in ay difaacdo Sacabaka, oo leh wali dagaalkaan dagaal dowliya maahan.

Qabaa illada magaalada oo haatan bilaabay in ay yeeshaan shirar, inkasta oo aan la hubin waxa ay shirarkaasi salka ku hayaan.

Ugu danbayntii markii la isku daro, Hanjabaadaha kasoobaxaya Galamudug, Caburinta Puntland ee ay shacabka cel celinayso, Nabarada Isdaba joogaa ay ay gaysanayaan ciidamada Galmudug iyo xoolo dhaqatada lagu gumaadayo Gaadiidka Dagaalka, intaasi waxaa ay sababi karaan in ay qabaa illadu Dagaalka Galaan.

Sida ay cadaynayaan khuburo amaan, dagaalka ayaa faraha maamulada, DF iyo beel caalamba ka bixi doona haddii uu qarxo dagaala Qabiili ah, Maadaama Qabiilku uusan lahayn cid gaar ah oo cadaadis lasaari karo, iyo cid lagu khasbi karo in ay hishiiyaan sidii horay uga dhacday Gaalkacyo December 2015.

About The Author