Gaalkacyo: warkii ugu danbeeyey shirarkii Odayaasha iyo Qaadka Soodigayey

Gaalkacyo waxaa ka socdo dadaalo la doonayey in lagu soo nooleeyo wada hadaladii odayaasha Gobolka Mudug, si loo xasiliyo amaanka iyo xasiloonida gobolka oo maalmahaan danbe siixumaanaysay.

Maanta ayaa loo balansanaa in ay isugu yimaadaan Garoonka Diyaaradaha ee C/laahi Yuusuf, halkaas oo uu ka dhici kulankii daahfurka odayaasha, loogana wada hadli lahaa amaanka iyo xasiloonida, hase yeeshii maanta dib ayuu u dhacay, lama sheegin xiliga uu furmi doono.

Kulanka ayaaa waxaa wada qaadan doona Odayaasha gobolka Mudug, waxaa macquul ah in ay qayb ka noqdaan maamulka gobolka iyo Dagmada ee labada maamul.

Dhinaca kale Qaadkii kasoo dagi jiray Garoon diyaarada ee c/lahi Yuusuf ayaa maanta Baaqday gabi ahaanba, iyadoo oo uu maalinkii shalay kasoo dagay garoonka.

Baaqashadaan ayaa kusoo aadaysa iyada oo ay Dowladda Puntland ku dhawaaqday in uusan saamaynayn Go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo horay u joojisay in uu qaad kasoo dago guud ahana Soomaaliya in kasta oo uusan Somaliland kajoogsan.

About The Author