Gaalkacyo: Puntland oo ka hadashay Colaadda Bariga Mudug (Dhagayso)

Afhayeenka dowladda Puntland oo maanta saxaafadda Kula hadalay magaaladda Gaalkacyo, waxaana uu uga warbixiye wax ay ka qabto Dowladda Puntland colaada soo laalabanaysa ee koonfur Bri Gobolka Mudug.

Afhayeenka ayaa Xoolo dhaqatada deegaankaas ugu baaqay in ay nabadda qaataan, waxaana ay Dowladda Puntland sigaar ah ula hadashay Culimada, Nabadoonada, Odayaasha, ganacsatada iyo Xoolo dhaqatada in loo wada istaago sidii nabad loogu wada Noolaan lahaa.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay, in xoolo dhaqatada looga baahan yahay in ay gartaan in dhulka lawada dagan yahay, ayna ka dhaxayso wax aan dhamaanayn oo ah wada noolaansho iyo daris nimo.

Sidaas darteedna looga baahan yahay, in aan mardanbe loo baahnayn la daadiyo dhiiga wiilal Soomaaliyeed, oo Mustaqbal wanaagsan u leh ummadda iyo dalka.

Dhagayso codka afhayeenka

 

About The Author