Sawirro: Wasaaradda Deegaanka iyo Dagmada Gaalkacyo oo kawada Shaqaynaya Dhirayta Gobolka.

Kulan maanta ka dhacay magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa looga ahadlayey sidii loo dhirayn lahaa Gobolka Mudug, oo qayb ka ah mashruuc balaaran oo deedeegaanka lagu bad baadinayo.

Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah u qabtay Wasaaradda deegaanka iyo Dowladda hoose Dagmada Gaalkacyo, waxaana lagu soo bandhigay qorsheyaal ladoonayo in lagu cagaariyo Gobolka Mudug, magaalooyinka iyo Kaymo la sameeyo Mustaqbala, Waxaa kale oo lagu soo bandhigay, cilmi baaris iyo xog aruurin ay samaysay wasaaradda deegaanka Dowladda Puntland, taas oo lagu soo aruurinayey, dhacdooyinka iyo dhibaatooyin Xalka u baahan ee deeganka ka dhaca iyo sidii loo xalin lahaa.

Duqa dagmada Gaalkacyo ayaa shacabka usheegay in ay qorshe dhow ka leeyihiin dhulka la iska xirmaysanayo iyo xaalufinta deegaanka ee haatan lagu wado dhulka.

Qorshahaan ayaa qayb ka ah, qoyshe ay Dowladda Puntland ugu tala gashay in lagu bad baadiyo deegaanka, iyada oo la adeegsanayo wadooyin fudud shacabkuna ku shaqayn karaan si mutadawac nimo ah, si loogaaro guusha ilaalinta amaanka.

Daawo Sawirro

20160907_085937 20160907_085948 20160907_085956 20160907_090004 20160907_090054 20160907_090103 20160907_090655 20160907_090725 20160907_090747 20160907_090924 20160907_090953 20160907_091229 20160907_091303 20160907_091319 20160907_091422 20160907_091726 20160907_091744

About The Author