SAWIRRO: Madaxweyne Gaas oo La Kulmay Safiirka Dawladda Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta September, 06 2016 la kulmay safiirka Dawladda Turkiga u jooga Soomaaliya Ambassador Oglan Bekar, waxaana kulankaasi uu ka dhacay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo sii anba qaadi lahaa xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Dawladda Puntland iyo Dawladda Turkiga.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa safiirka uga xog waramay weerarkii kooxaha sharwadayaasha ah ee Al-shabaab ay ka fuliyeen magaalada Gaalkacayo, wuxuuna ku adkeeyey in Dawladda Turkigu ay kaalin muhiim ah ka geysato mashruuca dayac tirka hantidii ku burburtay weeraradii Gaalkacayo, sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland wuxuu safiirka u sheegay in uu burburay qaar ka mid ah Cisbitaalka magaalada Gaalkacayo ayna tahay arrinta u baahan wax ka qabasho deg deg ah maadaama uu Cisbitaalku yahay goob caafimaad oo loogu adeego shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

Ambassador Oglan Bekar ayaa dhankiisa tacsi u diray dhamaan shacabka Puntland, wuxuuna caafimaad u rajeeyey dadkii dhaawacyadu kasoo gaareen weararadii Gaalkacayo , sidoo kale wuxuu tilmaamay in Dawladda Turkiga iyo Shacabkeedu ay ka xun yihiin weerarkii kooxda Al-shabaab ay ku qaadeen Gaalkacayo.

Safiirka ayaa caddeeyey in Dawladda Turkigu ay ka qayb qaadanayso mashruuca dayactirka hantidii ku burburtay weeraradii magaalada Gaalkacayo ay ku qaadeen kooxaha sharwadayaasha ah ee Al-shabaab.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku howlan sidii indhaha caalamka iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya loogu soo jeedin lahaa ka qayb qaadashada mashruuca dayac tirka hantidii khasaaruhu kasoo gaaray weeraradii Gaalkacayo.

 

IMG_6168IMG_6174IMG_6180IMG_6193IMG_6196IMG_6199IMG_6201IMG_6204IMG_6206IMG_6209IMG_6210IMG_6215IMG_6216IMG_6222IMG_6228IMG_6231IMG_6234IMG_6241IMG_6242IMG_6243IMG_6292IMG_6293IMG_6297IMG_6301

About The Author