Sawirro: Qalab lagu dhisayo Wadada Ceel-Daahir & Ceerigaabo oo lagu soo bandhigay Bosaso

7 sept 2016 (Puntlandes) Qaybtii labaad oo ah Qalab ka kooban baabuur waaweyn, Booyado , Qalabka birta culus iyo qalab kale oo casriya, oo loo soo iibsho inuu ka qayb qaato dhismaha wadada Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo ayaa maanta lagu soo bandhigay Dekeda Bosaso.
Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Puntland , Maamulka Gobolka Bari, Ganacsato, iyo Masuuliyiin kale oo kamid ah Guddiga Dhismaha Wadadaas ayaa goob joog ka ahaa soo bandhigida qalabkan oo ah midkii 2aad ee loo soo iibsho dhismaha wada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo.

Gudoomiyaha guddiga fulinta  Cali Maxamuud Xassan , Gen Cali Ismaaciil oo xubin ka ah guddiga iyo Injineerka guud ee wada Ceel-daahir iyo Ceergaabo Aadan Yuusuf Barre , ayaa ka sheekeeyey halka ay mareyso hirgalinta dhabahani.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Maxamuud Caydiid , Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado iyo Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Bada iyo Ladagaalanka Burcad badeeda  Dawladda Puntland ayaa dhankooda si isku mid ah u soo dhaweeyey dadaalka ay wadaan guddiga u xilsaaran wadada Ceel Daahir iyo Ceergaabo Waxayna shacabka Puntland ugu baaqeen inay ka qab qataan dhismah wadadaas.

Dhawaan ayaa la filayaa inay Puntland bilowdo dhismaha jid dheer oo laamiya kaas oo isku xiraya Ceeldaahir ilaa Ceerigaabo ka dib markii ay ku dhawaaqday Puntland barnaamij ay ugu magac dartay isku tashi lagu dhisayo ilaha dhaqaalaha dalka.

 

10

11

9

10

18

16

8

13

Puntlandes.com

About The Author