Sawirro: Shirkadda SCANSOM oo Maktabad cusub ka furtay Garowe

7 sept 2016 (Puntlandes) Shirkada daabacaada ee ScanSom ayaa maanta ka furat Caasimada Puntland ee Garowe maktabad cusub iyo xarunta buugaagta lagu daabaco, Maktabadaan ayaa ah xaruntii ugu horeysay oo ay Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ka hirgeliso Shirkadu, taasoo loogu talo galay inay dadku ka helaan buugaagta cilmiga xambaarsan iyo adeegyo kale.

Siciid Maxamed Sheikh Xasan oo ah maamulada shirkada ScanSom ayaa sheegay maktabadaan cusub inay ku timid baahi dadku u qabeen, wuxuuna sheegay inay ka kooban tahay dhowr qeybood oo kala ah, qeybta buugaagta lagu akhristo, qeyb laga helayo wargeysyadii Soomaaliya kasoo bixi jiray, qeybta dabaacaada buugaagta, caawinta qorraaga, iyo ugu dambayn iibka buugaagta. Wuxuu kaloo sheegay inay u Qorshaysan tahay inay 9 ka Gobol ee Puntland ay ka dhisaan Maktabo waawayn halka ay kuwo yar yar ka furi doonaan 43 Degmo ee ay Puntland ka kooban tahay

Munasabada xariga looga jrayay waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin katirsan dowladda Puntland, aqoonyahano, madaxda jaamacaddaha iyo marti sharaf kale oo badan oo isugu jiray qurbe joog iyo daljoog.

15

12345678910111213141516171820222324252632212819272931

Puntlandes.com

About The Author