Sawirro: Madaxweynaha DFS oo safiirka cusub ee Jabuuti ka guddoomay warqadaha safiirnimo

8 sept 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Sheehk ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Djibouti u u magacawday Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Danjire Adan Hassan Aden.

Madaxweynaha iyo safiirka cusub ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka midyihin doorka Jabuuti ay ka geysatay la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab, maadaama ciidamada Jabuuti ay qeyb ka yihiin howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Safiirka cusub Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya  Danjire Aaden Xasan Aaden ayaa xusay in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal ka dhexeeya, isla markaana uu ku faraxsanyahay in Madaxweynaha Jabuuti uu u soo macaabo Soomaaliya.

vlcsnap-2016-09-08-17h12m27s73vlcsnap-2016-09-08-17h13m02s165vlcsnap-2016-09-08-17h13m27s160vlcsnap-2016-09-08-17h13m40s26vlcsnap-2016-09-08-17h14m17s140vlcsnap-2016-09-08-17h14m24s220vlcsnap-2016-09-08-17h14m34s55vlcsnap-2016-09-08-17h15m22s36vlcsnap-2016-09-08-17h15m37s175

Puntlandes.com

About The Author