Gaalkacyo: Baaritaanka Gaadiidka iyo Kalawareejinta Badeecada oo si rasmiya u hirgashay (Daawo Sawirro)

????????????????????????????????????

Bilowgii bishaan ayey ahayd markii la hirgaliyey in gaadiidka xamuulkaa uusan ukala gooshin Puntland iyo xuduudaheeda dibadda ah.

Maanta ayaa waxaa ay saxaafaddu soo eegtay xarumaha aay ku kala wareegayaa gaadiidka Xamuulka ah, halkaas oo ay kasocotay Baaritaanka iyo kala wareejinta gaadiidka xamuulka ah, halkaas ayaa ahayd maanta meel aad mashquul u ah iyada oo ay kashaqaynayeen Xamaali aad u farabadan oo ka xamaasha magaaladda Gaalkacyo.

Horayey ayey gaadiidka qaarkood u sheegeen in aysan rogayn rarka ay u wadaan Koonfur, oo ay doonayaan in la gudbaan, iyaga oo dhinaca kalana ka biya diiday in lagala laabto Lambarka aqoonsiga gaadiid (Taarikada), taas oo keentay in ay muddo dheer taagnaadaan, dowladduna ay usheegtay in aysan Cidna Khasbayn, kiis Puntland ka shaqaynayaana uu xor yahay, kii Banaankeeda aadayaana uusan kusoo laabanayn.

Ugu danbayntii ayaa gaadiidkii laga lahaa Koonfurta soomaaliya, waxaa uu u qayb samay laba qaybood, Qayb ka haqaynsanaysa Puntland iyo Qayb ka shaqaynaysa Koonfurta Soomaaliya.

Waa markii ugu horaysay oo Puntland ay Alaabta gaadiidka Shay shay ubaarto, intii ka danbaysy 2007, markaas oo ay si tartiib tartiib ah, ay u fur furantay isku socodka Puntland gudaheeda iyo Dibaddeeda.

Daawo Sawirro.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

 

 

About The Author