Daawo Madaxweynihii Hore ee DFS oo Nasiib daro ku tilmaamay in la yiriihdo Xiligaagii waa uu dhamaaday

11 sept 2016 (Puntlandes) Madaxweynihii Hore ee DFS ee xiligiisu dhamaaday Musharax Xasan Sheekh ayaa Nasiib daro ku tilmaamay in Siyaasiyiinta Soomaalidu ay yiraahdaan Xiligaagii dalka Hogaamintiisa laguu Doortay waa uu dhamaaday ee wareeji Xilka.
230-2a8
Musharax Xasan Sheekh ayaa ka dhigay Isbahaysiga Isbedel Samaynta Soomaaliya wiilal yar yar oo u Gafay dawladnimada Soomaaliyeed iyo Hay’adaha dawlada, iyadoo waxa kaliya ee ay sheegeen ay tahay in Xiligii xilka loo doortay Xasan Sheekh uu dhamaaday.

Musharax Xasan Sheekh ayaa yiri isagoo la hadlaya Isbahaysiga Isbedel Samaynta Soomaaliya “Siyaasiyiinta saaxiibaday ah waxaan leeyahay adiga is daawee si aad dalkan u daawayso…”

Waxaa CAJIIB ah sida uu u hadlay Musharax Xasan Sheekh oo ay ahayd inuu isagoo og in xiligiisii loo doortay hogaanka dalka uu dhamaaday uu Siyaaasiyiinta Isbahaysiga Isbedel Samaynta Soomaaliya iyo ummadda Soomaaliyeed ba uu u cadeeyo in xilkiisu dhamaaday laguna aamino isagoo talada wax ka siinaya iyaga uu xilka si KMG ah usii hayo, laakiin ma aha wax mudan inuu si nin aan ogayn in Xilkiisii uu dhamaaday Kursiga uusan ka xigin Siyaasiyiinta Isbahaysiga Isbedel Samaynta Soomaaliya …

Puntlandes.com

About The Author