Sawirro: Wasaaradda Dekedaha iyo Ciidanka Dekeda Bosaso oo si rasmiya loogu wareejiyay dhisme cusub

12 sept 2016 (Puntlandes) Dhisme cusun oo loo dhisay Wasaaradda Dekedaha iyo Ciidanka Dekeda Bosaso ayaa si rasmiya loogu wareejiyay Dowlada Puntland, Waxaana ka qeyb galay munaasabadii dhismahan lagu wareejinayay wafuud ka socda Dowladaha Netherland, Denmark,Madaxda Hay,adda UNODC,UNOPS iyo madax ka tirsan Dowlada Puntland.

Safiirka Dowlada Denmark u qaabilsan dalka Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Mette Knudsen ayaaa si rasmiya xariga uga jaray dhismahan, waxaana la wareegey Wasiirka Dekedaha, La dagaalanka burcad badeed iyo gadiidka badda Puntland Mudane Cabdulaahi Jaamac.

Dhismahaan dabaqa ayaa socday muddo 9 bilood ah,waxaana maalgalisay Dowlada Denmark,halka ay fulisay Hay,adda UNOPS , waxaana dhistay shirkadd magaceeda la yiraahdo Al bashid Construction Company.

 

1456710121314151617

Puntlandes.com

About The Author