Sawirro: Isbahaysiga Isbedel Sameynta Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Beesha Caalamka kalana hadlay Waqti Xileedkii madaxweynihii hore oo dhamaaday!!

12 sept 2016 (Puntlandes) Maanta ayaa waxaa Shir ballaaran ku dhex maray xarunta Xalane Isbaheysiga Isbedel Samaynta Soomaaliya iyo xubno matalayey Beesha Caalamka, iyadoo shirkan xoogga lagu saaray sidii Doorashada soo socota loo xaqiijin lahaa in ay noqoto mid daahfuran oo qaab xor iyo xalaal ah u dhacda, isla markaana guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo Dawlad Goboleed ay ugu shaqeyn lahaayeen qaab dhexdhexaadnimo ah.

Kulanka ayaa waxaa kaloo looga hadlay dhammaanshaha waqtigii dastuuriga ahaa ee Madaxweynahii hore ee Soomaaliya mudo Xileedkiisu ku ekeyd 10/sept 2016 iyo qodobo kale oo la xiriiray labada gobol ee Hiiraan iyo shabeelada dhexe.

Hoos ka Akhriso War murtiyeed  ay soo saareen Xubnaha Isbaheysiga Is bedel Sameynta Soomaaliya

 

War-murtiyeed, Muqdisho 12. 09.2016

Isbahaysiga Isbedel-Sameynta Soomaaliyeed (Coalition for Change) oo ka kooban Murashaxiin Madaxweyne, Hogaamiyayaal Xisbiyada Siyaasadeed ee Dalka, Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin ayaa la kulmay beesha caalamka markii uu u soo gabagaboobay shirweyne labo maalmood socday 08 – 09/09/2016.  Xubnaha Isbahaysiga ayaa maanta shir la qaatay beesha caalamka oo ay matalayeen, Safiiradda Ingiriiska, ku-xigeenka wakiilka Xooghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (UN), wakiil dalka talyaaniga iyo wakiilo Ururka Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Xubnaha Isbahaysiga Isbeddel Samaynta waxay u bandhigeen wakiilada Beesha Caalamka mowqifkooda ku aaddan:

  • Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo waqtigii dastuuriga ahaa ee xilka madaxweynnanimo uu ugu ekaa 10 Sept. 2016, lagama marrmaanna ay tahay inuu xafiiska banneeyo asagoo ku wareejinaya Afhayeenka Golaha Shacabka sida dastuurka dalku qabo. Sidoo kale, Raysulwasaaraha xukuumadda Federaalka inuu asna banneeyaa xafiiska kuna wareejiyo ku xigeenkiisa maadaama uu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa xilka madaxweyne.

 

  • Guddiyada maamulka doorashooyinka heer gobol iyo heer federal sida ay lagama maarmaan u tahay inay u dhaqmaan; dhexdhexaadnimo iyo daahfurnaan hawsha loo xilsaaray loona baahan yahay in Isbahaysiga Isbeddel-samaynta iyo guddiyadaas si dhab ah oo joogta ah uga wada hadlaan ugana wada shaqeeyaan xaqiijinta dhexdhexaadnimadaas iyo daahfurnaantaas si loo horseedo doorasho daahfuran isla markaana xor iyo xalaal ah.

 

  • In hantida dowladda nooc kasta oo ay tahayba, nabadgalyada, awoodda iyo saxaafadda dowladda aan la oggolaan in xubnaha tartamaya ay ugu adeegsadaan si toos ah iyo si dadbanba doorashooyinka

 

  • In dib loo dhigo dhismaha maamul goboleedka Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe maadaama hawshaas khilaaf ba’an ka taagan yahay madaxweynihii horana uu rabo inuu hawshaas uga faa’ideysto ololohiisa doorasho.

 

Waxaa shirka la isku waafaqay in ay lagama maarmaan tahay wadatashi joogta ah ee dhinacyada kulmay iyo in laga wada shaqeeyo sidii ay u dhici lahayd doorasho cadaalad ah. Isbahaysigu wuxuu u mahadceliyey dadaalka Beesha Caalamku ku bixinayso dowlad dhisidda iyo qabsoomidda doorashooyin hufan oo caddalad ah.

isbaheysiga1230-9b5

isbaheysiga3

isbaheysigaisbaheysiga2isbaheysiga4isbaheysiga5isbaheysiga6isbaheysiga3

Puntlandes.com

About The Author