Sawirro: RW Itoobiya & Madaxweynaha Kenya oo soo gaaray Muqdisho & Diyaatadii Ismail oo cilad darteed lasoo dagi wayday

13 sept 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Kenta Kentatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ka soo degay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynihii Soomaaliya ee xilkiisu dhamaaday Xasan Sheekh.

Wafdiyadda ayaa loo galbiyey Hotelka uu shirka ka dhacayo.

Dhanka kale Diyaaradii siday Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la sheegay in cilad soo wajahday darteed ay dib u laabatay.

Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya ayaa u sheegay Wakaalada wararka ee SONNA in diyaarada siday Madaxweyne Geelle ay dib u laabatay, kadib markii ay ka soo degi weyday Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Safiirka ayaa sheegay in diyaarada ay soo gashay Hawada Soomaaliya, isla markaana markii cilad ku timid, si nabadgelyana u degtay.

Dowladda Itoobiya ayaa heysa hoggaanka Urur Goboleedka IGAD, shir madaxeedka goor dhow ka dhici doono Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa inay shir guddoomiyaan Itoobiya, kenya iyo Soomaaliya oo marti gelineysa.

uhuru4

 

haile

haile2

aad

Puntlandes.com

About The Author