Xog hoose-Gaalkacyo: Kala wareejintii Gaadiidka oo Abuuraysa xulufaysi Cusub & Gaas oo doonaya in PL ka laabato go’aankaas!!

13 sept 2016 (Puntlandes) Magaaladda Gaalkacyo ayaa maalmahaan danbe, waxaa ka socday hawl gallo xoogleh, kuwaas oo intooda badani salka ku haya xasilinta amaanka Puntland iyo xaqiijinta gadiidka iyo dadka u kala kooshaya Magaalooyinka Puntland guud ahaantood.

IMG_4430

Amarada Magaalada ka dhaqan galay!

Magaaladda Gaalkacyo waxaa lagu soo rogay amaro u gooni ah, oo aysan la wadaagin magaalooyinka kale ee Puntland, sidoo kale waxaa lagu soo rogay amaro ay la wadaagi doonaan gobolada iyo magaalooyinka kale, amaradaan ayaan wax badan ka badal muqaal iyo magaalo ahaanba, waxaana ugu muhiim sanaa.

  1. Gaadiidka lagu kala wareejinayo magaaladda oo la mamnuucay in ay xuduuda isaga gooshaan.
  2. Gaadiid Qaad keeni jiray oo si tuugaysi ah kusoo galin jiray Puntland oo la mamnuucay.
  3. Qaadka oo loo ogolaaday Muwaa’diniinta ka ganacsatta in ay si xor ah ula soo dagi karaan, halkii awal dad gaar ah uu uxirnaa.
  4. Dii waan galinta gaadiidka ka dhex shaqeeya magaalada iyo kuwa gaarka loo leeyahay, kuwa dadweynaha, kuwa alaabada ukala qaada magaalada gudeheeda, IWM.
  5. Gadiid magaaladda ka baxaya iyo kuwa soo galaya oo Saldhiga Booliska laga diiwaan galinayo, oo uusan bixin karin.
  6. Diiwaan galinta dadka u adeegaya shacab weynaha, sida darawaliinta gaadiidka kala gadisan.
  7. Baaritaanka Guud ee dhamaan gaadiidka ukala gooshaya Puntland, meelkasta oo ay tahay.

Dhamaan amaradaani waxaa ay saamayn xoogleh ku yeesheen magaaladda Gaalkacyo, oo haatan u ukaatay Dakadda Cusub.

Go’aanka kala wareejinta gaadiidka iyo xanimaada xuduudaha oo ahaa Barnaamijka ugu saamaynta iyo xasaasiyadda badana, ayaa waxaa ay dadaku ukala arkaan qaabab kala gadisan iyada oo ay ku kala Qayb san yihiin Madaxda Sare ee Dowladdu.

Madaxweyne Gaas oo u ololaynaya in dib ay Puntland ka laabato Amarada Cusub!!

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali maxamed Cali Gaas oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa waxaa uu qorshaynayaa in dib looga laabto arintaan haddii ay suura gasho, isaga oo maraya nidaam lagu raali galinayo madax weyne ku xigeenka iyo Wasiirka Hawlaha guud oo arintaan aadugu hawlan.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha, C/raxmaan Sh.Axmed, ayaa ka mid ah wasiiradda u olo olaynaya in ay Puntland ka laabato, Arinta xuduudaha la xirayo, iyada oo ay haatan Wasiirka C/raxmaan iyo Madaxweyne Gaas oo arinkaan isku meel ka arka, ayaa abuuraya haatan koox cusub oo ka kooban ganacsatto Reer Mudug u badan, kuwaas oo la qorshaynayo in ay Madaxweyne Ku xigeenka, ka dhaadhiciyaan in arinkaani taabanayo ganacsigooda, ayna dareemayaan hoos u dhac.

Kulanka ayaa la filayaa in u magaaladda Gaalkacyo ka dhaco wakhti aan horay loo shaacin, waxaana isugu imaanaya Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo gudiga hagaajinta Magaaladda Gaalkacyo oo uu hogaaminayo wasiir C/rishiid iyo Ganacsatto doonaysa in dib loo furo xudduuda Puntland.

Inkasta oo uusan haatan jirin khi;aaf weyn oo u dhexeeya madaxda Sare, waxaa misan jira kala qayb sanaan Fikir, taas oo laga yaabo in uu madaxweyne Gaas soo jeediyo in arinka laga laabto si loo raali galiyo Canshuur bixiyayaasha Puntland.

Wasiirka ganacsiga Dowladda Puntland Dr.C.wali Indha guran, ayaa mar wax laga waydiidyey, Arinkaan waxaa uu ugua jawaabay si aysan ka muuqan qanaaco badan, isaga oo sheegay in ay hogaanka u hayso amaanka, iyaguna ay markasta ku gawracan yihiin wixii amaanka ka danbeeya, marka la eego xoga laga soo xiganayo wasiirka iyo ilaha ku dhow dhow, wasiirku waxaa uu arintaa ka taagan yahay moqif aan kooxaysnayn, waxaase uu fikirkiisa ku xaglinayaa, wasaaradda Amaanka loogudbiyo si ay go’aan uga soosaarto.

Gaas oo u Nuglaaday Xasan Sheekh & Cabdikariim

Madaxweyne Gaas ayaa laga soo xigtay in ay arintaan kala hadashay DFS ta waqtigeedu dhamaaday, Beesha Caalamka iyo Beelaha daga Koonfurta Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in la saarayo culays weyn oo siyaasadeed, kaas oo saldhig looga dhigayo in arinkaani uu saxilooni darro ka beerayo Gobolka uuna kala fogaynayo shacabka Soomaaliyeed.

Inta badan Madaxweyne Gaas waxaa uu aad ugu dabacsanyahay Kooxda DAMUL JADIID iyo Beesha Caalamka, waana taas midda keenaysa shakiga ah inuu madaxweynuhu taakuleeyo fikir kasta oo looga laaban karo go’aankii xanibaada Xuduudaha Puntland.

Punlandes.com

 

About The Author