Daawo Video: Wariye Maraykan ah oo ku afduubnaa Soomaaliya oo Xoriyadiisii dib u helay

Gaalkacyo(Pes): Wariye Maraykan ah oo lagu magacaabo Michael Scott Moore ayaa dib xoriyadiisii dib u helay ka dib mudo labo sano ah oo uu ku afduubnaa Soomaaliya.

Wariyahaan oo ah 45 jir kna afduubnaa bartamaha Somalia waxayna siidayntiisa ka danbaysay ka dib markii kooxdii haysatay la siiyay aduun lacageed oo gaaraya 1.5 Milyan oo doolar waxana isla maanta laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha magalada Gaalkacyo.

Spiegel Online ayuu wariyahaan la afduubay u shaqayn jiray xiligaasoo uu Soomaaliya u yimi inuu falalka Burcad badeeda wax ka qoro, waxana lagu afduubay xaafada Baraxleey ee magalada Gaalkacyo.

Masuuliyiin ka tirsan Puntland ayaa lagu soo wareejiyay wariyaha la afduubay kaasoo maantadii hore laga dhoofshay garoonka diyaaradaha Gaakacyo.

Puntlandes.com

 

About The Author