Sawiro: Degmada Galdogob oo horumar ku tilaabsatay

130

Galdogob (Pes): Degmada Galdogob waxa ay kamid tahay shanta degmo ee uu ka koobanyahay gobolka Mudug ee Puntland. Degmadan ayaa ku fadhida ama xukunta dhul baaxad leh iyo  magaalooyin waawayn sida Bursaalax, Bayra Riig oomane iyo kuwo kale oo badan.

Horumar ballaaran ayaa xilligan laga dareemaya degmada oo ay ku tallaabsanaysay 5-tii sanno ee ugu danbaysay,waxaana isbadal laga dareemayey adeega bulshada sida:

1:Caafimaadka kaddib markii laga dhisay isbitaal lagu tilmaamay inuu yahay kan ugu wayn gobolka Mudug iyo badi Puntland.

2:Waxbarashada waxaa degmada laga hirgaliyay labo dugsi sare 7 dugsi hoose/dhexe iyo faraca jaamacadda Bariga Africa horumarkaas dhanka waxbarashada ah oo aysan gaarin deegaanno badan oo ay isku heer ahayeen.

3:Amniga: Galdogob waxay kamid tahay deegaannada ugu amniga badan Puntland iyo Soomaaliya taas oo ay wada qireen dadka,arrimaha amniga kafaalooda madaxwaynaha Puntland C/wali gaas ayana kamid ah dadkii amnigaas qiray asaga oo magaalada ku dhex lugeeyay banoonina kula ciyaaray dhallinta Isboortiska,taas oo caddeyn u noqotay sugnaanta amni ee deegaanka.

4:Waxaa kale oo ay degmadu horumar ka gaartay adeegyada korontada,biyaha,iyo waddooyinka ayada oo laga hirgaliyay waddo laami ah oo iskuxiraysah Gaalkacyo iyo Galdogob waxaana hadda ladhisay qiyaastii 33km.

 

5:Bilicda iyo dib-u-dhiska

Waxaa maalinba maalinta ka danbaysa sii hagaagayah bilicda guud ee degmada waxaana degmada muddooyinkii danbe ka socday dib udhis xoogleh,dib u dhiskaas waxaa udanbeeyay dabaq 4 biyaano ah oo xaflad magaalada maanta lagu qabtay lagu dhagaxdhigay dabaqaas waxaa dhisaysah shirkadda xawaaladda ee Tawakal waxaana xafladdii lagu dhagaxdhigayay ka soo qayb galay dad badan oo bulshada magac kuleh waxaana kamid ahaa gudoomiyaha degmada,salaadiin.culimaa.udin iyo ururada bulshada waxaa xafladaas ugu horayn ka hadlay wakiilka shirkadda Tawakal ee Galdogob C/salan khalif xaashi asaga oo sheegay in dhismahaan oo kakooban 4dabaq uu wax wayn kusoo kordhin doono bilicda magaalada waxu kale oo intaas kudaray in dhismahaan looga faa.iidaysan doono qaybo badan sida hotel,ganacsi.iyo hoolal lagushiro ama siminaarada lagu qabsado.

Waxaa sidoo kale munaasabaddas ka hadlay guddoomiyaha degmada Xasan Farah (Ayaxle) waxuuna ugu horayn umahadceliyay shirkadda Tawakal qaybta lixaadka leh ee ay kaga jirto horumarinta deeganka iyo qurxinta bilicda magaalada

Si kastaba ha ahaatee dhismahan ayaa wax wayn kusoo kordhin doona bilicda degmada waxaana ka muuqday wajiyada dadkii munaasabadan joogay farxad iyo rayn rayn.

Daawo sawirada
300

301

302

303

304

305

 

Xigasho:http: Raxanreeb.com

 

Puntlandes.com

About The Author