Sawirro: Maamulka Degmada Gaalkacyo oo maantay si buuxda u hawl galiyey Ciidankii Degmada Gaalkacyo

17 sept 2016 (Puntlandes) Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Mr. Maxamuud Yaasiin Tumay iyo xoghayaha Degmada ayaa saaka kormeer ku tagey suuqyada kala duwan ee magaaladda Gaalkacyo, iyagoo kormeeraya sida ay u socoto shaqada Degmadu.

Maamulka Degmada Gaalkacyoayaa waxaa ay u kuurgalayeen duruufaha kala duwan ee haysata Ganacsatada, waxaa kale oo ay maanta si toos ah u hawl galiyeen, Ciidadii Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo kuwaasoo Qaraxii ka dib loo tababarayey sidii ay shacabka ugu adeegi lahaayeen iyaga oo aan hagardaamayn.

Ciidadii Dowladda Hoose ayaa isla maanta shaqadoodii ka bilaabayin la fuliyo amarkii ay Degmada soo saartay kaasoo ahaa in dhamaan Ganacsatada waratada ah ay ku xaroodaa suuqyadooda loo dhisay.

Intii uu kormeerku socday waxaa shacabka lagu wargalinayey inay isaga guuraan meelaha banaanka ah aysanna jiri doonin cid u dhaxayn doonta Guryaha iyo wadooyinka, meelaha ay dadku fadhiyaana laga dhisi doono meelihii dadku marailahaayeen (Marsha-biyeedi), halka goobaha kalana loo isticmaali doono bilicda magaaladda Gaalkacyo.

Maamulka Degmada Gaalkacyo oo Taageeraya Ganacsatada danyarta ah!!

Socdaalkaan waxaa uu ahaa socdaal ka wanaagsan kuwii hore oo dhan, gudoomiyaha iyo xog haya ayaa waraysatay Hooyo dan yar ah, taas oo fadhiday Meel aan waxba ool, Hooyadaas Da’da ah ayaa waxaa u sheegtay inay qoyskeeda ka biilato So.Sh.300,0000 (Sadex boqol oo kun oo Shilin), taas oo mar marka qaar u gadmi wayda.

Maamulka Dagmada ayaa maamadaas u balan qaaday in ay caawiyaan, waxaana uu Xoghayah Dalmar Maxamed Cali sheegay in maamulku u maalgalinayo maamadaas Ganacsigeeda, lacag ay ku shaqaysato iyo meel suuqeeda u wanaagsan oo ay ku shaqaysatana lasiin doono, taas oo maamada iyo shacabkii ka agdhawaaba farxad galisay, ayna aad uga ducaysay.

Ugu danbayntii gudoomiye Tumey ayaa sheegay in ay shaqadii dowladda hoose ee awal socotaya ay labo laabayaan, waxaana uu digniin adag u diray dadkii Boosaskii la siiyey ka maqnaada ee aan ku Ganacsan isaga oo sheegay in kuwo ku Ganacsanaya la siin doono hadii aysan Dadkii la siiyey maalmaha soo socdo Boosaskooda ku shaqaysan.

 

Sawirro.

img_6427 img_6431 img_6433 img_6435 img_6438 img_6442

  Ciidanka dowladda Hoose oo caawina hooyooyin, waayey gaadii ay ku guuraan, oo loogaynayo xaruntodi.

img_6447

Shirkadda Nadaafadda Caafi oo Qaadaysa Qashinkii ay ka tageen dadka ka guuray barxadda Bangiga.

img_6460 img_6489 img_6504 img_6511

 Duqa iyo Xog hayaha oo waraysanaya maamo danyar ah, unbalan qaaday in ay maal galin doonaan
img_6515 img_6526 img_6536 img_6562

  Gudoomiya oo waraysanaya mid ka mid ah oday, sheegay in uu kasoo qaxan Dhoobleeyimg_6572

 

Puntlandes.com

Xafiiska-Gaalkacyo

 

About The Author