Daawo Faahfaahin Musasalka uu wado Keynan Abdi Warsame oo ku saabsan Soomaalida Minnesota

16 sept 2016 (Puntlandes) Fanaanka Caanaka ah ee Keynan Abdi Warsame isla markaasna ah Jilaa iyo Soo Saare Filimaanta ayaa iminka waxa uu Minnesota ee dalka Maraykanka ka wadaa soo Saarida Film Musasal ah oo soconaya muddo 5 sano ah kaasoo laga soo dayn doono TV HBO maalin kasta oo Axad ah 1 saac.

231-b1

 

Musasalkaan ayuu Keynan ku cadaynayaa inaysan Soomaalidu ahayn Burcad-badeed, Dagaal Oogayaal, ISIS iyo Argagixiso laakiin ay yihiin ummad Wanaagsan kana kooban Bulshada qaybaheeda kala duwan.

Musasalkaan Kaynan wado ayaa ku saabsan 8 qoys oo Soomaliyeed oo ka yimid Soomaaliya degayna Minnesota Caruur ku dhalay halkaaas ay Jaamacad ku aadayaan, Qoysaskaas oo ah Dabaqada dhexe kuwa loo yaqaan ee wax bartay.

Daawo waraysi ay VOA kala yeelatay Musasalkaasoo ay duubistiisu bilaabanayso bisha Oktoobar ee soo socota ayna socon doonto muddo sanad ah.

Puntlandes.com

About The Author