Golaha Wakiilada Somaliland oo Meel mariyey Go’aanka Madaxwayne Siilaanyo ee Kala Qaadista labada Doorasho

17 sept 2016 (Puntlandes) Kalfadhi xasaasi ah oo ay saaka yeesheen mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxay kaga doodeen go’aanka madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed maxamuud Siilaanyo ee kala qaadista labada doorasho ee Golaha Wakiilada Somaliland iyo Madaxtooyada.

220-3b4

Fadhigii Saaka oo uu Shir Gudoominaayey Gudoomiye Ku Xigeenka Golahaasi Baashe Maxamed Faarax ayaa Waxaa ay Cod Gacan Taag ah u Qaadeen mudanayaashu in la kala Qaado Labada Doorasho ee Wakiilada iyo Madaxtooyada  sidii uu usoo gudbiyay madaxwaynaha Somaliland ayna ka hor yimaadeen Musharixiinta iyo Beesha Caalmakaba.

Fadhiga ayaa waxaa kasoo Xadiray 59 Muddane Waxaana Ogolaadey kala Qaadistaasi 52 Muddane halka ay Diideen 5 Muddane oo kaliya Gudoomiyuhuna Muu Codeyn halka hal mudanena ka aamusay Sidaasna ayey Xildhibaanadu ku meel mariyeen kala Qaadista Labada Doorasho ee Golaha Wakiilada Somaliland iyo Madaxtooyada.

Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo isagu Shir Gudoominaayey Fadhigan oo Waraabinta la hadley ayaa wuxuu Sheegay in Go’aankooda Maxkamadda Sare Loo Gudbin Doono isla markaana Muddo Kordhinta Golaha Wakiilada loo Sameynaayo Mudada Ay Noqon  doonto ay Go’aan ka gaari doonan Golaha Guurtidu.

Puntlandes.com

About The Author