Bosaso-Sawirro: Dareewaladii Mashruuca wadada Ceel-Daahir – Ceergaabo oo imtixaan lagu xulayo

18 sept 2016 (Puntlandes) Guddiga dhismaha wadada Ceel-daahir Ceergaabo ayaa magaalada Bosaso imtixaan kaga qaaday 60 darawal oo tartan u gelay kaxaynta gaadiidka kala duwan ee looga shaqeynayo mashruuca dhismaha wadadaas.

60 ka darawal oo ku soo baxay isku shaandheyn lagu sameeyey ku dhawaad 120- Dareewal oo soo codsaday ku shaqaynta gaadiidkaan ayaa waxaa imtixaanka laga qaadayey kormeer ka ahaa xubno khuburo ah oo ay soo xuleen guddiga mashruuca dhismaha wadada ceel-daahir –ceergaabo.
Maxamed Mahad Ciise oo xubin ka ah guddiga ayaa ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee darawaladaan laga qaadayo imtixaanka soomareen, halka uu Generaal Cali Ismaaciil oo ku hadlayey magaca Guddiga Sare ee mashruuca natiijo wanaagsan u rajeeyey tartamayaasha .
Kormeerayaasha qaadaayey Imtixaanka Shaqaalaysiinta ayaa xaqiijiyey in talaabadaani ay qayb ka tahay hanaanka hufan ee shaqaalaysiinta Puntland oo dhabada tooska ah qaaday tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdwali Maxamed Cali Gaas.

Qaar kamid ah dareewaladii tartamayey ayaa dhankooda ka hadlay madasha waxayna amaan usoo jeediyeen hufnaanta Maamul iyo habka loo shaqaalaysiiyey ee ku dhisan Cadaaladda .vlcsnap-1372-04-05-01h34m12s528

vlcsnap-1826-05-30-04h06m22s729

vlcsnap-3753-12-19-06h51m10s023

vlcsnap-4491-06-05-14h25m19s308

vlcsnap-5371-01-21-03h28m48s201

vlcsnap-5959-10-02-13h00m05s953

vlcsnap-6822-05-09-00h21m11s028

vlcsnap-8322-10-28-17h35m04s784

vlcsnap-9236-10-30-17h56m14s827

vlcsnap-2358-06-05-22h40m36s313

Puntlandes.com

About The Author