Dhagayso: Cabsi haysata Madaxweynihii hore DFS oo Muqdisho looga Mamnuucay Bannaanbaxyada

18 sept 2016 (Puntlandes) Maamulka Gobolka Benaadir ayaa maanta soo saaray Amar lagu mamnuucayo in magaalada Muqdisho lagu qabto kulamo iyo dibadbaxyo aanu maamulku soo abaabulin.

231-1a9

Amarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalada Muqdisho ka bilowdeen ololaha Doorashooyinka madaxtinimada Soomaaliya ee lagu wado in dalka ka dhacdo. Wuxuu kaloo ku soo aadayaa iyadoo Muqdisho looga diyaargaroobayo soo dhawaynta qaar ka mid ah Musharixiinta madaxtinimada Soomaaliya oo uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed

Waxaa Sharci daro ku tilmaamay Amarka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir isla markaasna ah Musharax madaxweyne Maxamed Axmed Nur Tarsan isagoo ku sifeeyey Amarka mid siyaasadeysan oo aan cidina u joojin doonin.

Dhagayso Warbixin ay VOA ka diyaarisay


Puntlandes.com

About The Author