BREAKING NEWS: Doorashada oo lagu wado in ay dhacdo 30 nov 2016

21 sept 2016 (Puntlandes) Guddiga Doorashada Dadban ee heer Federaal ayaa ayaa shaqaynaya in dib u dhigaan Xiligii la Qorsheeyey in Doorashada madaxweynaha dalka ay dhacdo kaasoo ahaa 30ka Oct 2016.

226-3

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Guddiga Doorashada uu iminka ku hawlan wax ka bedelka Jadwalkii lagu heshiiyey ee Doorashada, kadib markii ay qabsoomi waayeen habraacii Doorashada loo Asteeyey ee 30 oct.

Guddiga Doorashada Dadban ee heer Federaal ayaa ah mid aad ugu janjeera dhanka madaxweynahii xilkiisu dhamaaday isla markaasna ah Musharax u taagan xilka madaxtinimida Soomaaliya Xasan Sheekh.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Guddiga Doorashada uu qorshaynayo inuu shaaciyo dib u dhiga Doorashada ka hor Shir khaas ah oo ay Golaha Amaanka bishaan dabayaqadeeda ka yeelanayaan arimaha Soomaaliya.

Shirkii guud ee Qaramada Midoobay ayaa shalay ka furmay Xarunta Qaramada Midoobay, waxaana jiri doona shir gooni ah oo u gaar ah Soomaaliya oo arimaha Doorashoyinka looga hadli doono.

Tani waxay noqonaysaa markii labaad ee la durkiyo Waqtiga ay dhacayso Doorashada Soomaaliya oo markii hore ay ahayd inay dhacdo 10ka sept xiligaas oo uu ku egaa Xilka madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, kadibna waxaa loo Qabtay inay dhacayso 30ka Oct. 2016ka kaasoo iminka lagu hawlan yahay in loo bedelo 30 nov 2016.

Halkan ka akhriso Jadwalkii ay horay u dajiyeen Guddiga Doorashada Dadban ee heer Federaal

Puntlandes.com

About The Author