Dhegeyso: Hay’adda Wadooyinka Puntland oo ka hadashay meesha uu marayo Mashruuca Dayac tirka wadada Gaalkacyo & Garowe

21 sept 2016 (Puntlandes) Hay’adda wadooyinka Puntland iyo Hay’ada GIZ ee dalka Jarmalka ayaa saaka magaalada Garoowe ka daahfuray wajiga kowaad ee tartanka qandaraaska dayactirka 80Km oo kamid ah wadada laamiga ah ee udhexaysa Garoowe iyo Galkacyo.
dsc9333dsc9317

dsc9339

dsc9331

dsc9328

dsc9312

dsc9393

Qandaraaskaani ayaa waxaa soo codsaday 9 shirkadood oo dhisme iyadoona 8 ka mid ah ay soo buuxiyeen foomamkii codsiga, Agaasimaha Hay,ada wadooyinka Puntland Eng.Maxamuud Cabdinuur Aadan ayaa sharaxaad ka bixiyey shuruudaha laga doonayo shirgadaha soo codsaday mashruucaan.

Wasiirka deegaank Dr Cali Cabdullaahi Warsame iyo wasiirka qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Puntland oo daahfuray qandaraaska ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in guulaysto mashruucaan lagu dayactirayo wadada Gaalkacyo Garoowe.

Wadada laamiga ah ee isku xirta Garowe iyo gaalkacyo ayaa waxaa soo gaaray burbur balaaran waxaana mudo laga warsugayey dayactirka wadaaan oo dowladda Puntland ay sheegtay in dayactir lagu samaynayo.

Dhagayso cododka Agaasimaha Hay,ada wadooyinka Puntland & Wasiirida


Puntlandes.com

About The Author