Dhageyso-Sawirro: Raysal wasaare Sharmaake “Dano Siyaasadeed ayaa laga leeyahay kiiska Bada wax aan heshiis lagalay Kenya ma jiraan”

22 sept 2016 (Puntlandes) Raysul wasaarahii Xukuumadii muddo xileedkeedu dhamaaday ee DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Caaasimadda Puntland ee Garoowe ayaa ka hadlay Arinta muranka Baddan iminka Musharixiin gooni ah ay uga faa’iidaysanyaan Ololaha Doorashada oo iminka ka socota Soomaaliy.

Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo laftigiisu ah Musharax u taagan Xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa sheegay inuusan jirin wax heshiis ah oo ay Xukumadiisii la gashay Dowladda Kenya sanadkii 2009 kii oo la xiriirta Soohdinta Badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Musharax Cumar ayaa sheegay in arrintaan ay la xiriiro Siyaasad oo la doonayo in sumcadiisa wax loogu dhimo, maadaama uu ka mid yahay Musharaxiinta sanadkaan 2016 ka ayna ka dambeeyaaan dad Musharixiin ah oo dana Siyaasadeed ka leh.

Musharax Cumar ayaa caddeeyey inney Siyaasiyiin Musharixiin ah ay ku leg leeyihiin oo wax buunbuuninayaan, iyagoo danahooda ku gaar is leh.

Musharax Cumar ayaa sheegay inay Muranka Badda ee Kenya ay soo bilaabatay mar hore, isagoo caddeeyey in Dowladda dalka Kenya aysan marnaba soo hawaysan karin Badda dalka Soomaaliya.

Dhageyso shirka Jaraa’id ee Musharax Cumar

231-2c2

231-2c5

231-2c3

231-2c4

231-2c6
Puntlandes.com

 

About The Author