Damaca badda Soomaaliya ee Keenya is tustay maxay ayaynu ka baran karnaa? | Qayb 1

Haddii ba aan dhawr qaybood qormadan ka dhigi doono, Rabbi oggolaanshihii, aan in yar dib inoo celiyo.

Damacani maxay ayuu ugu horrayn salka ku hayaa?

  1. Dawlad tayo leh la’aanta Soomaaliya. Markeeda hore ba Soomaalidu waa dad muuqa iyo magaca Afrikaan ka ah, maanka iyo macaneha na Carab ka ah. Afrika waxa aynu la wadaagnaa:
  2. a) Muuq -madawga
    b) Meesha aynu dunida ka ga naal -Afrika
    c) Magac -Afrikaan

Carabta na waxa aynu la wadaagnaa:

  1. a) Aragti -Sarraynta isirka
    b) Diin -Islaamka
    d) Dhaqammo gooni ah -sida suugaanta, geesinimada, qabyaaladda, dhaqashada xoolaha siiba geela, khilaafka joogtada ah iyo xasillooni-ku-diinka.

Bare markii aan dugsiga sare ku jiray fiisigiska na bari jiray oo aad u af adkaa ayaa ardaydiisa “dameero” u qaybin jiray. Haddii aadan si hagaagsan uga shaqayn layliga uu kuu diro waxa uu oran jiray ”Waxa aad tahay dameer aan shaqadiisa aqoon”. Taas baddalkeeda haddii aad si wanaagsan uga shaqayso na waxa uu isla sidaas oo kale ina oran jiray ”Waxa aad tahay dameer shaqadiisa yaqaan”.

Tabtaas oo kale, goortii gumaysteha reer Yurub Afrika yimid waxa ay u qaybsheen Afrikaankii “La gumaysteyaal gumaysiga oggol” iyo “La gumaysteyaal aan gumaysigu loodin karin”. Kuwan dambe Soomaaliya ayaa kow ka gashay. Iska dhaaf in ay gumaysigooda qaayibaane iyagii ayay ba daalac u raacdeen oo magacyo la ga yaqyaqsado u bixiyeen oo yaseen. Magacyadaas waxaa ka mid ahaa ”Saan Caddaale, Saaxir, Indhaxun ikk”.

Waxaa sidaas si ku dhaw aad gumaysiga gabi ahaan ba uga dhiidhiyay wadammada Carbeed ee Afrika ku yaalla. Waa Suudaan, Masar, Liibiya, Aljeeriya, Tunuusiya iyo Marooko. Kuwan waxa kali ah ee aynu Soomaali ahaan uga gaddisan nahayi waa in aynaan afka Carabiga sidooda oo kale ugu hadal ee aynu af kale leenahay.

Kulligood se iyo Soomaaliya waxa ay noqdeen eedaysanayaal aan dambi muuqda lagu soo oogi karin.

Nin doqon ah, caalle na ah oo xaaskiisu, malaha, masruufkii ku fullaysiin wayday ayaa laga sheegay “Aniga ayaa aqaan wax aan nu’da uga gurayo”. Ogaygu waxa uu oran kari waayay “Saxankii ayaa igu gaabtay”. Waxa ay reer Yurub inagu haystaan waa “Maa aad Soomaaliyey madaxa hoos gaysaan goortii aad Yurubiyaan, Yuhuud iyo Maraykan wada dhaqmaysaan?” Soomaali middaas horey iyo dib ba waa soliweyday!

Arrintaasi, waxa ay dhab ahaan ina dhaxal siisay aano aan aabbe-ka-aabbe inaga harin reer Yurub iyo inta ay cago ku qaataan na aanay ku kala leexan aarsigeeda; iyo dhanka kale magac fiican oo inoo meel maray ilmaheena na aan u gudbin karno oo la micne ah “Ummaddii aan madaxa hoos gayn jirin goorta ay ay ummad kale is hor joogaan. Dadkii isirkoodu la korreeyay. Soomaalidii aan cidi na ka sarrayn”. Sow dhaxal wen ma ahan?

Waa aad la socon kartaa qaybta xigta. Maxay ayaad se ku siyaadin lahayd? Soo dhawaw.

231-2c7

Daabacaadii Puntlandes.com

 

About The Author