Daawo Video: Mashruuca Horumarinta Bursaalax oo lagu wareejiyey lacag East Africa looga deeqay

23 sept 2016 (Puntlandes) Wafdi ka socday maamulka Mushruuca Horumarinta Bursaalax oo uu hogaaminayey Maamulaha Mushruuca Mr Cabdirashiid Faarax Xaaji-warsame (Qalinle) oo uuna ka mid ahaa Xuseen Aadan Seed (Xuseen Uraag) ayaa waxay dhawaan booqdeen wadamo ka mid ah Bariga Afrika oo kala ahaa Uganda iyo Kenya halkaas oo ay Jaaliyadda degen u fidiyeen Mashruuca Taageero kala duwan.

231-2c8

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalalkaasi ku nool ayaa Mashruuca ugu Deeqay Dhaqaale, qalab Caafimaad iyo buugaagta Iskoolka, halkan ka akhriso Dr C/qadir Indhabur & Drs Maymun M. Ciise Deeqdii ay Gudoonsiiyeen Mashruuca. 

Hadaba Maamulha Mashruuca Qalinle iyo Xuseen Uraag ayaa waxay ku wareejiyeen Baord-ka Mashruuca lacagtii East Africa looga deeqay Mashruuca Horumarinta Bursaalax qayb ka mid ah oo Horumarin ah taasoo cadadkeedu dhan yahay 12250 doolar.

Lacagtaas ayaa waxa Xuseen Uraag iyo Maamulaha Mashruuca Mr Cabdirashiid Qalinle ku wareejiyeen oo ka gudoomay gudomiye kuxigeenka Boaordka Xirsi Caynab, iyadoo lacagtaas lagu Shubay Akoonka Mashruuca.

Ugu horayn Gudoomiye Xirsi Caynab oo Munaasabadda ka hadlay ayaa u mahadceliyey dadka wanaaga iyo Horumarka jecel eek u deeqay Mashruuca lacagtaas, isagoo Allah uga baryey inuu wax ka Khayr badan

Puntlandes.com

About The Author