Dhagayso: Wasiirka Deegaanka Puntland ”Wax Isbedel ah laguma samayn go’aankii Gaadiidka Galkacyo”

23 sept 2016 (Puntlandes) Wasiirka Deegaan dalxiska iyo Duur joogta Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame oo waraysi siiyey Radio Daljir ayaa ka hadalay sababta loo fasaxaya Baabuurta sida xoolaha nool ee ka yimaada Koonfurta Soomalaiya.
Wasiirka ayaa sheegay in Dhamaan Baddeeceeyinka kale la dejin doono lagu bedeli doono Baabur kale laakiin Baabuurta Xoolaha sida la baari doono aana laga dejin doonin Xoolaha.
231-2d5

Dr. Cali ayaa shegay in la samayn doono saylad lagu kala wareejiyo xoolaha oo laga samayn doono magaalada Gaalkacyo ee xurunta Gobolka Mudug, wuxuuna sii raacshay Wasiirka in hada la bilaabay dhismaha sayladaas, oo lagu dhamayn doono mudo dhan 30 bari

Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyey kulan ay Golaha Wasiirada dowlada Puntland isugu yimaadeen oo looga doodayay Amaanka Puntland khaas ahaana Arimaha Magalada Galkacyo .

Dhagayso Wasiir Dr. Cali Cabdullahi Warsame


Puntlandes.com

About The Author