Dag Dag: Rasaas laga maqlayo Laamiga dheer ee Gaalkacyo

23 sept 2016 (Puntlandes) Rasaas ayaa laga maqlay caawa laamiga dheer ee magaaladda Gaalkacyo, rasaasta ayaa la sheegayaa in ay ridayaan ciidanka la socda gaadiidka wada xoolaha oo ay wadad marinayaan, halka dadka qaar sheegayaan in ay jiraan rasaas la is waydaarsanayo.

img_6748

 

Ka dib mudaharaadkii shalay, ayaa waxaa ciidanku kaxaynayeen gaadiidka wada xoolaha, si loogu gudbiyo dhinaca Boosaaso, arinkaan ayaa ka danbeeyey, caro badan oo ay muujiyeen shacabka magaaladda Gaalkacyo, kadib markii Muddo bil ah lasiiyey gaadiidka wada xoolaha.

Dowladda Puntland ayaa horay u sheegtay in ay ilaalinayso hantida dadka Soomaaliyeed, sidaas darteedna ay xooluhu gudbayaan Baaritaan ka dib, inta loo diyaarinayo biyo, Baad iyo Har.

Wax khasaare ah oo dhacay lama sheegin, ilaa hadda waxaase la maqlayey rasaas aad u badan, oo laamiga ka dhacaysa.

Puntlandes.com

 

About The Author